Reer Galbeedka oo helay ‘cadow’ u beddela Islaamka

London (Caasimada Online) – Rubac-qarni ka hor ayey ahayd markii aqoonyahankii cilmiga siyaasadda Samuel Huntington uu qoray maqaalkiisii ku saabsanaa isku dhaca ilbaxnimadda. Waxaa uu muujiyey dagaallo xiriir ah.

Huntington waxaa uu qoraalka sameeyay kadib dhicitaanka darbigiii Berlin, iyo dhamaadkii dagaalkii qoboobaa ee u dhaxeeyay Midowgii Soofiyeeti iyo Reer Galebeedka, muddo nabad ah kasokoow, Huntington waxaa uu saadaaliyey halgan u dhexeeya wax uu u arkayay cadow aan heshiin karin oo ah Muslimka iyo reer Galbeedka.

Huntington waxaa uu sheegay in aqoonsiga dadka uu yahay wadnaha siyaasadda hardameysa, kasokoow aragtida. “Maxaad tahay?” ayuu qoraalkiisa isku weydiiyay, “sida aan ka ogaanay laga soo billabo Bosnia illaa Caucasus illaa Sudan, jawaab khaldan oo su’aashaas laga bixiyo waxay sababi kartaa xabad madaxa lagu dhufto.”

Siyaasiyiinta reer Galbeedka sida Madaxweynihii hore ee Mareykanka George W Bush iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ingiriiska Tony Blair ayaa raacay hoggaanka Huntington. Rubac qarnigii u dambeeyay dalal badan oo Muslim ah ayaa bartilmaameed u ahaa Mareykanka iyo xulifadiisa.

Wixii markaa ka dambeeyey warbaahinta reer Galbeedku Muslimiinta ku tilmaamayey kuwa sharci la’aan, aragtiyo xag jir ah wata, ahna khatar dunida ka jirta. Tani waxay kordhisay Islaam nacaybka ka jira wadamada reer Galbeedka iyo siyaasiyiinta midigta fog ee Europe.

Xeel-dheerayaasha ayaa hadda rumeysan in cadaawaddaan khatarta ah ay yaraan doonto kadib musiibadda Coronavirus, arrin kale ee jirta ayaa ah, safmareenka Coronavirus waxaa qaabeynayaa siyaasad dhuleedka adduunyada. Galbeedku waxay jecelyihiin, lagana yaabaa inay u baahanyihiin cadow, bartilmaameedkooda ugu dambeeyana waa Shiinaha.

Bartilmaameedsiga Shiinaha

Shiinuha waxaa loo arkaa in uu yahay cadowga cusub ee jira, lana mid ah sidii uu Islaamku ahaa 20-sano ka hor. Waxaana sidaas u arka dadka, qoraayaasha wargeysyada, xarumaha talo soo jeedinta, xisbiyadda siyaasadda iyo hey’adaha sirdoonka ee Mareykanka.

Kadib qoraalkii caanka ahaa ee Huntington oo sababay eedda ka dhanka ah Muslimiinta – waxay mar-walba ugu yeeraan Islaamka xagjirka ah hadda waxaa uu dareenkooda u jeediyay Bariga Fog.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ah mucaaradka ugu weyn dunida ee Muslimiinta, ayaa hadda waxaa uu billaabay in uu weeraro Shiinaha, si ka duwan Bush oo weeraray Ciraaq 2003-dii. Markii uu waday ololihiisii 2016-kii, waxaa uu Shiinaha ku eedeeyay in uu kufsanayo dhaqaalaha caalamka.

Tan iyo markii uu dilaacay cudurka Covid-19, weeraradda Trump waa ay kordheen. Waxuuna ku eedeeyay Shiinaha in uu qarinayo virus-ka, islamarkaana uu hoos u dhigayo tirada geeriidiisa.

Warbaahinta The Sun – oo tuntay durbaankii duulaanka Ciraaq ee 2003-dii – ayaa baahisay sheekada warbixin virus-ka ku eedeyneysa in Shiinuhu si ula kac ah u sameeyay, si uu u caddeeyo in uusan Mareykanku ka hortagi karin cuduradda wax laaya.

Hey’adda Sirdoonka dibadda Ingiriiska ee MI6, ayaa gacan ka geysatay in kiis loo dhiso weerarkii musiibada ahaa ee Blair ku qaaday Ciraaq, kadib baaritaankii hubka sida daran wax u gumada, hadda waxay hey’addu indhaheeda ku jahaysay Shiinaha.

Agaasimihii hore ee MI6 Sir John Sawers oo la hadlayay Barnaamijka Maanta ee BBC-da ayaa calool jileec u muujiyay go’aankii uu Trump dhaqaalaha uga joojiyay hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Waxa uu yiri “Mareykanka waxaa aad looga careysanyahay wax ay u arkaan in uu Shiinuhu ku hallaagay, Shiinuhuna waxaa uu ka dheeraanayaa in uu qaato mas’uuliyadda ah in uu virus-ku ka billowday.”

Wax qarinta

Dabcan, waxa jira sababo wanaagsan oo lagu cambaareyn karo Shiinaha. Waxaa jira caddeyn muujineysa in Shuunuhu uusan hufneyn markii uu billowga ahaa cudurka Coronavirus ama yaraayeen tiradiisa kiisaska, dhanka kale, waa khaladka dalalka kale oo ay Britain ka mid tahay oo sidoo kale runta qariyay.

Xarunta Talo-soo jeedinta Ingriiska laga leeyahay ee Henry Jackson Society (HJS) oo ka mid ahayd kuwa sida daran u cambaareeya waxa ay ugu yeeraan Muslimka xagjirka ah ayaa hadda warbixinadii u dambeeyay waxaa ay ku weerarayeen Shiinaha. Xadiiqdiina weeraradooda Shiinaha ee bilihii u dambeeyay ayaa si deg-deg ah u kordhay.

Sidoo kale warbixin ay soo saartay HJS ayaa Mail on Sunday waxay ka qortay maqaal sheegaya in Britain ay Shiinaha geyn doonto maxkamadaha caalamiga ah, si ay uga hesho $437 billion oo magdhow ah, sababo la xiriirka cudurka Coronavirus.

Machadka kale ee Gatestone Institute ayaa dhowaan isbar-bardhig ku sameeyay Shiinaha iyo Islaamka xagjirka ah.

Kala qeybsanaanta cusub

Dadka qaar ayaa laga yaabaa in ay dhahaan tan iyo bur-burkii Midowgii Soofiyeeti, reer Galbeedku waxay u baahnaayeen cadow u badela Soofiyeetkii.

Maskaxda ku haay in qoraalkii Huntington ee Iskudhaca Ilbaxnimadda uu ka digayo in “kala aragti duwanaan shaha Ilbaxnimadu ay noqon doonto dagaalka mustaqbalka.”

Sida uu Huntington qoray, Shiinuhu waa khatarta ugu awoodda badan ee Reer Galbeedka ay wajahayaan. Iran waxay baaqi ku ahaan doontaa indhaha Mareykanka, waana xiriirka shaqsi ee ka dhexeeya Trump iyo Benjamin Netanyahu.

Hadda waxaan gaarnay dhamaadka xilligii dheeraa ee Islaamku uu ahaa “kala aragti duwnaansho” weyn. Waxay u muuqataa in reer Galbeedku ay hada heleen cadowgooda, haddii ay sidaas tahay Muslimiintu xoogaa waa ay neefsan karaan.