Sidee madaxweyne Farmaajo ugu guuleystay inuu shirkii Cabdi Xaashi fashiliyo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya inuu fashilmay shirkii uu ku baaqay guddoomiyaha Aqalka Sare ee loo qaban lahaa madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa 12-kii bishan magacaabay guddiga isku keenista madaxda dowladda federaalka iyo dowladda goboleedyada, kaasi oo ka shaqeyn lahaa qabsoomidda shirka looga arrinsanayo hannaanka lagu geli doono doorashooyinka qaranka ee 2020/2021, si loo helo hab iyo hannaan raalli la isaga yahay oo doorashada lagu galo.

Si kastaba, ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkaas uu fashiliyey shirkii uu madaxweynaha go’aansaday inuu isugu yeeray madax goboleedyada.

“Warqaddii madaxweynaha ku casuumay madax goboleedyada ayaa meesha ka saartay qorshihii Cabdi Xaashi, madaxweynaha ma dooneyn inuu Aqalka Sare siiyo awood ay ku hagaan waxa uu sameynayo,” waxaa sidaas yiri sarkaal ka tirsan Villa Somalia oo la hadlay Caasimada Online.

Shirkaasi ayaa kulankiisii hordhaca ahaa uu dhacay Isniintii, ayada oo la filayo inuu xigo kulan kale oo weyn.

Sidoo kale, maamul gobaleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed aysan ilaa hadda ka jawaabin baaqii Golaha Aqalka Sare ee ku aadanaa qabsoomida shirka khilaafka dowladda iyo maamul gobaleedyada dalka, kadib markii ay Villa Somalia, oo ay ku xiran yihiin ay ka dalbatay inaysan ka hadal.

Xukuumadda Soomaaliya ayaan sidoo kale ilaa hadda ka hadlin baaqa guddoonka Aqalka Sare mana jirto wax dadaal ah oo ay wado islamarkaana ku saabsan ka qeybgalka shirkaasi looga hadlayo khilaafka iyo doorashada Soomaaliya.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku baaqay in ka hor 25-ka bisha uu qabsoomo shirka arimaha doorashada taasi oo ku beegan berri, waxaana muuqata inuu sidaas meesha uga baxay.