Loolanka Mareykanka iyo Turkey oo Somalia soo galay

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa u muuqata in dhinac kale u leexisay xifaaltanka siyaasadeed ee kala dhaxeyay Turkiga, xili ay si rasmi ah ugala wareegtay dhex-dhexaadinta wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Mareykanka ayaa gebi ahaanba la wareegay doorkii Turkiga ee wada-hadaladaasi oo uu garwadeen ka ahaa muddo ku siman 8-sanadood.

Dowladda Turkiga ayaa wax loolan ah kula galin dar-darta waayihii dambe soo if-baxday ee uu Mareykanku ku rabay inuu ku hanto dhex-dhexaadinta wada-hadaladaasi oo todobaadkii tagay ka furmay dalka Jabuuti.

Turkiga ayaa si dad-ban uga baxay wada-hadaladaasi, iyada oo uu ergaygii gaar ahaa ee ay u magacowday wada-hadaladaasi uu dib uga gurtay xilkaasi, iyada oo aan si cad loo ogeyn sababta iyo inay ka wada socdaan madaxda u sareysa dalkiisa.

Olgan Bekar, oo ahaa ergaygii gaarka ahaa ee Turkiga u qaabilsanaa wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa dhawaan bartiisa twitterka ka tir-tiray xilkaasi uu ku magacowna, iyada oo ay hore ugu xusneed bartiisaasi ka hor fara-gelinta Mareykanka.

Sawirkan hoose waxaad ka arki kartaa barta twitterka ee danjiraha oo hore ugu qorneyd shaqada uu ku magacowna iyo kadib markii uu meesha ka masaxay.


Dowladda Turkiga ayaa hore door weyn uga qaadatay wada-hadalada labada dhinac, iyada oo garwadeen ka aheydna muddo badan, oo la aaminsan-yahay inay qeyb lixaad leh ka qaadatay isku soo dhoweynta labada dhinac.

Mareykanka ayaa xiligan gebi ahaanba la wareegay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo gacan ka helaya dowladda Itoobiya oo iyadu si weyn ugu ololeynaysa midnimo dib u dhalata.

Dowladaha Itoobiya iyo Mareykanka ayaa dano gaar ah ka leh wada-hadaladaasi, iyada oo ay u gacan galiyeen marti-gelinteeda dowladda Jabuuti, xili uu dalkeeda ka jiro qalaalase siyaasadeed oo uu horseeday duuliye cadaalo daro baahsan ka tirsanayey xukuumada Geelle.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa dowladda Turkiga inay meesha ka baxdo ka shaqeeyay Madaxda ugu sareysa Somaliland oo iyagu aaminsan in Turkigu uu xulufo dhow la yahay dowladda federaalka, oo uu badanaa ka taageero dhanka Ciidamada.

Somaliland ayaa Turkiga u aragta inuu si gaar ah ula tacaamulo dowladda federaalka, isagoo gebi ahaanba wiiqaya madax-banaanida ay ku doodo ee aysan weli u helin aqoonsi caalami ah.

Ilaa haddana ma jiro war rasmi ah oo Turkigu ku cadeynayo inuu gebi ahaanba faraha kala baxay wada-hadalada labada dhinac, balse waxa si cad u muuqda heerka uu ka taagan yahay dhex-dhexaadinta iyo sida looga tuuray kaalintiisi.