Muxuu ahaa meydkii lagu gubay magaalada Hargeysa?

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa war kasoo saartay Meydka nin ajnabi ah oo lagu gubay magaalada Hargeysa, kaasi oo maalmihii u dambeeyay si weyn loogu baahiyay baraha bulshada.

Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in Ninkaasi uu u dhashay dalka Shiinaha, isla markaana uu ugeeriyooday cudurka Kansarka.

Wasiirka ayaa gebi ahaanba meesha ka saaray in Ninkaasi meydkiisa la gubay uu qabay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, oo ka jira deegaano ka tirsan Somaliland.

Sheekh Khaliil ayaa sheegay in meydka ninkaasi ay qolada caafimaadku ku wareejiyeen qoyskiisa oo iyagu door-biday inay gubaan meydkaasi, isla markaana ay xukuumadoodu wax shaqo ah ku laheyn maadama uu aheyn qof muslim ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ninkaasi aan muslimka aheyn uusan muteysan xurmadii muslimka, midaasi oo keentay in qoyskiisa lagu wareejiyay Meydkiisa, oo iyagu xaq u leh sida ay rabaan inay u aastaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hadalka Wasiir Khaliil ayaa beenin cad u noqonaya warar kala duwan oo maalmihii u dambeeyay la isla dhex-marayay baraha bulshada, kaasi oo ku aadana meydkan ninka shiineeska ahaa, oo lagu sheegay inuu u geeriyooday cudurka Coronavirus.