Xisbiga Wadani oo hal arrin ka dalbaday Biixi, kadib wada-hadalladii Jabuuti

Hargeysa (Caasimada Online) – Xoghyaha guud ee xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland Qadar Xuseen Cabdi oo ka hadlayey qodobada ka soo baxay shirkii Jabuuti ayaa madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Muuse Biixi Cabdi ka dalbaday inuu faah faahin dheeri ah kala bixiyo qodobka la xiriira isku socodka Koofurta iyo waqooyiga.

Qadar ayaa sheegay in shaku badan uu ka jiro qodobkaasi, islamarkaana looga baahan yahay xukuumadda inay cadeyso qodobkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dad badan ay shaki weyn ka qabaan qodobka isu socodka ee lagu soo daray warmurtiyeedka wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland.

“Xukuumaddu waa in ay caddeysaa qodobka isu socodka Somaliland iyo Koofurta oo shaki weyn ay ka qabaan dadka intooda badan, ma diidin wada hadalka balse nuxurka qodobkaas dad badan kama aysan dhergin oo uma cadda” ayuu yiri xoghayaha Wadani.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in la fahmo ujeedada rasmiga ee laga leeyahay qodobkaasi oo uu xusay inuu ka jiro mad-madow siyaasadeed.

“Arrintaas waa ay caddahay, balse tan mad-madow siyaasadeed ayaa ka dhex muuqda, in la fahmo wax waliba waxa ay ka dhigan tahay in lagu qanco, marka aad wax fahamtid ayaad diidi kartaa ama yeeli kartaa, waana in aan laga gamban ujeedada rasmiga ah ee laga leeyahay”. ayuu markale yiri, Qadar Xuseen xoghyaha guud ee xisbiga  Wadani.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay xukuumadda Somaliland ay shaacisay inay ogolaatay in aan la carqaladeyn isku socodka labada shacab ee koofurta iyo waqooyiga qodobkaas oo la xiriira dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga.