Turkiga oo war kasoo saaray QARAXII lala beegsaday saldhiggooda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda dalka Turkiga ayaa war kasoo saartay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay afaafka hore ee xerada tababarka ciidamada Soomaaliya ee Turkisom.

Qoraal lagu baahiyey bogga wasaaradda ayaa ugu horeyn lagu cambaareeyay qaraxaas ka dhacay xarunta tababarrada ciidamada ee Turkigu ku leeyahay Muqdisho.

“Waxaan cambaareeneynaa weerarka is-miidaaminta ah ee maanta laga fuliyey iskuul hoose oo ku yaalla meel u dhow xerada tababarka militari ee TURKSOM ee Muqdisho” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa tacsi loogu diray qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku dhintay qaraxaas.

“Waxaan walaalaheena iyo saaxiibadeena shacabka Soomaaliyeed la qeybsaneynaa murugada, waxaan naxariista Allah u rajeeneynaa kuwii noloshaada ku waayey weerarkan, waxaana tacsi u direynaa qoysaskooda” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Turkiga.

Qaraxa ayaa ka dhacay banaanka hore ee xerada, waxaana fuliyey qof naftiisa halige ahaa, kaas oo ay ciidamadu banaanka hore ku toogteen, kadib markii uu diiday in uu istaago.

Xarunta xilligaas waxaa ka socday dhaqdhaqaaq tababar loogu xareynayey askar loo tababarayo Leyli sarkaal, waxuuna isku dayey qofkaas in uu gudaha galo oo gaaro halka ay safnaayeen askartaas, balse waxa uu qarxay markii ay toogteen ciidamada ammaanka ee ilaalada ka hayey iridda hore.

Seddax qofood oo uu ku jiro naftiisa haligihii ayaa ku geeriyootay qaraxaas, labada qof ee kale mid waxa uu ka mid ahaa dhalinyaradii tababarku uga socday xerada, halka kan kalena uu ahaa qof shacab ah oo marayey wadada, sida maanta shaaciyey Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage.