Inta badan xildhibaanada oo soo jeediyey tiro cusub oo ah kuraasta ay tahay in la siiyo gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee xildhibaanada golaha shacabka waxaa looga dooday laba xeer oo ku jira sharciga doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo mid la ansixiyey, halka kan kalena ay doodiisu ka sii socon doonto kulamada dambe ee golaha.

Labada xeer ee in laga doodo uu maanta ajenduhu ahaa waxay kala yihiin kan lagu soo dooranayo kuraasta baarlamaanka ee gobollada waqooyi oo la ansixiyey, iyo kan metelaada gobolka Banaadir oo dood adag laga yeeshay.

Banadanaa mudaneyaasha aragtidooda ka dhiibtay doodii ay xildhibaanadu ka yeesheen xeerka metelaada gobolka Banaadir, waxay soo jeediyeen in gobolka Banaadir loo kurdhiyo kuraasta uu ku yeelanayo golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka, iyagoo badankood ku taliyey in la gaarsiiyo 13-14 kursi.

Xubanaha kulanka khudbadaha ka jeediyey waxaa kamid ahaa Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow Ibraahim waxuuna soo jeediyey in xal laga gaaro maqaamka Muqdisho oo xildhibaanadu u codeeyaan, metelaad u qalanta gobolka Banaadir.

“Maanta waa maalin weyn oo waa maalin taariikhi ah, xildhibaankii ogolaada in magaaladan tahay magaalo dhul Soomaali ay leedahay, dad gaar ahna leeyahay iyo kan diidan waa in la kala bartaa. Waxaan soo jeedinayaa in tirada kuraasta metelaada Muqdisho laga dhigo illaa 14 kursi, isla markaana laga dodo maqaamka magaladan oo cod la geliyo,” ayuu Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow.

Sidoo kale Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo isna ka mid ahaa xubnihii khudbadaha ka jeediyey kulanka, waxa uu xildhibaanada u soo jeediyey inay u hiiliyaan gobolka Banaadir, isaga oo Muqdisho ku sifeeyay magaalo ay deganyihiin dad nabadda Jecel, waxuuna qabaan in la kor dhiyo kuraasta ku metelaya Aqalka Sare.

“Gobolka Banaadir 2008-dii waxaa loo dhisay gole deegaan, oo si sharci ah loo dhisay, siyaasad ayaa lagu baabi’iyay, madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh, waxay uga maqaamkiisa waxa ay uga aamuseen inay xigtadiisa yihiin, hadda Madaxweyne Farmaajo waa inuu u hiiliyaa gobolkan. Waxaan ku talinayaa in kuraasta gobolka Banaadir ee Aqalka Sare la gaarsiiyo 13 kurs,i” ayuu yiri xildhibaan Mustaf Dhuxulow.

Xildhibaan Maxamuud Beenabeene oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu qabaa, “Dhameystirka dhismaha dowladnimada Soomaaliya waxaa qeyb weyn ka ah xal u helidda maqaamka iyo matalaadda caasimadda Mouqdisho/G.Banaadir. Golaha Shacabka maanta waa in ay ansixiyaan xeerka matalaadda G/Banaadir, tiradana laga dhigaa ugu yaraan 13 xubinood.”

Dhankiisa Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ku jiray xubnihii xeerkaas ka dhiibtay aragtidooda ayaa xaqdarro ku tilmaamay in gobolka Banaadir oo ka ‘dad badan bulshada ku nool dhulka maamul goboleedyo badan oo la isku daray’ la yiraahdo 7-xubnood ayaa la siinayaa.

Sidoo kale waxa uu ka mid yahay xidhibaanada soo jeediyay in gobolka Banaadir kuraasta ku meteleysa Aqalka Sare laga dhigo 13. Maadaama uu kabayo 70% miisaaniyada dowladda sida uu sheegay Xildhibaan Mahad.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu ku yiri, “Inkastoo Xildhibaanada intooda badan isku aragti dhawaayeen hadana waxaa jira cadaadis xooggan oo ka imaanaya Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood oo siyaasadeynaya maqaamka iyo matalaada Gobolka Banaadir uu ku yeelanayo hay’adaha Dowlada Federaalka ee ku cad dastuurka iyo sharciga doorashooyinka Qaranka. Cidna ugama haybaysan doono inshaa’allah u doodidda iyo difaacidda xuquuqda dadka ku nool Gobolka Banaadir.”