Maxay ka dhiggan tahay ‘iclaaminta dagaal’ ee Masar ee Libya, maxaase xiga??

Qaahira (Caasimada Online) – Masar waxay qorsheysay in ay kordhiso ku lug lahaanshaheeda militari ee Libya, taas oo marki hore ku xadidneyd tababar iyo qaabab kale oo taageero militari ah oo ay siineysay Khaliifa Haftar oo hogaamiyaha ciidanka LNA.

Madaxweyne Cabdul Fitaax Al-Sisi oo u safray saldhigga cirka ee ku yaalla xuduudda galbeed ee Libya ayaa uga digay dowladda uu caalamka aqoonsanyahay in ay kasoo gudubto furinta u dhaxaysa Sirte iyo Jufra, halkaas oo uu ku tilmaamay khad cas.

Dowladda ay Qaramadda Midoobay taageerto  ayaa diiday hadalka telefeshinka laga baahiyay ee Sisi, iyadoo u aragta digniintiisa farogelin iyo “dagaal ay Masar iclaamisay”.

Sidee u ekaan doontaa faro-gelinta Masar?

ilo-wareedyo ka tirsan Dowladda Masar oo la hadlay The New Arab ayaa beeniyay suurta-galnimada in dhulka ama badda laga faro-geliyo Libya.

Mar hore ayey Masar hub, tababar iyo taagero saanadeed siisay ciidanka uu Xaftar uu hoggaamiyo ee LNA.

Ilo-wareedka la hadlay The New Arab ayaa sheegay in farogelintu ay noqon karto duqayn cirka ah si loo hakiyo horumarka ay sameynayaan ciidanka daacadda u ah Dowladda uu Turkigu taageero, waana xeeladdii ay u adeegsatay kooxda Islaamiyiinta ah ee bariga Libya 2015-kii.

Maxaa u xiga Khaliifa Xaftar?

Sida uu baahiyey wargeyska The New Arab ka hor hadalkii Sisi, kulan u dhexeeya saraakiil ka tirsan sirdoonka Masar, Dowladda fadhigeedu yahay Tabruok ee bariga Libya iyo qabaa’il maxalli ah ayaa ka dhacay Qaahira. Kulanka oo saraakiisha Masar ay faro-gelinta miiska soo saareen, ayaa odoyaasha Qabaa’ilku waxay dhankooda soo qaadeen in meesha laga saaro Khaliifa Xaftar.

Taxliiliyeyaasha ayaa kalsoonida Masar ku qabto Xaftar u arka in ay markii horeba sii yaraaneysay. Tarek Megerisi oo xubin ka ah Golaha xiriirka Dibadda ee Midowga Europe ayaa u sheegay wakaaladda wararka AP in Masar ay raadin doonto melo kale oo ay danaheeda ku xaqiijiso, iyadoo ay ku yaraaneyso hubaasha ah in uu Xaftar guuleysan doono.

Masar iyo Ruushka waxay ka “wada shaqayn karaan siyaasad beddel u ah Xaftar taas oo laga yaabo in ay badbaadiso saameyntooda bariga Libya,” ayuu yiri Megerisi. Bedelaadda kale waxaa ka mid ah Aguila Saleh, oo ah Afayeenka baarlamaanka fadhigiisu yahay bariga Libya.

Iska hor-imaad ma dhex-mari karaa Masar iyo Turkey?

Sida warbaahintu ku warantay, xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Libya ee quseeya heshiiska colaada Libya iyo bariga Mediterrenean awgiis, ilo-waredyo ayaa u sheegay The New Arab in Masar ay ka taxadari doonto in aysan dagaal toos ah la gelin Turkiga oo ah taageeraha ugu weyn ee Dowladda caalamku aqoonsan yahay.

Xukuumadda Ankara waxay labo heshiis oo muhiim ah la saxiixatay xukuumada Tripoli, mid ka mid ah waxaa uu xaqiijinayaa taageeradda militari ee colaadda Libya, mid kalena waxaa uu ku saabsanyahay xadeynta xuduudda badda ee bariga Mediterranean-ka.

Masar wax badan ayaa ka quseeya heshiiska Turkiga iyo Libya ee badda. Heshiis kale oo Turkiga kala dhaxeeya Giriigga ayey Masar waxay ku weyn doontaa 10,000km laba jibaaran ee badda Mediterranean-ka ee qayradku fadhiyo.

Imaaraadka Carabta oo awoodda ku haya Sisi ayaa kuu riixaysa xukuumadda Qaahira in ay dagaal militari kala hortagto cadowgeeda gobolka ee Libya.

Axaddii, wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraadka ayaa sheegay in Imaaraadku uu la garab taaganyahay Masar tallaabo walba si ay u ilaaliso xasiloonideeda iyo amnigeeda, sida uu baahiyay Alcarabiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa war laga sii daayay wakaaladda wararka SPA waxaa uu ku sheegay in boqortooyadu ay Masar ku tageereyso xaqa ay u leedahay in ay difaacato xuduudaheeda iyo dadkeeda.