Mustaf Dhuxulow: 2008-dii Muqdisho waxaa loo dhisay gole deegaan, dowladihii ka danbeeyay ayaa burburiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo ka mid ah, ayaa ka hadlay maqaamka Gobolka Banaadir oo labadii bil ee la soo dhaafay  aad u badnayd hadal heentiisa.

Mustaf Dhuxulow ayaa sheegay in 2008-dii magaalada Muqdisho loo dhisay maqaam matala, ama gole deegaan, waxa uuna sheegay in ay burburiyeen dowladihii ka danbeeyay dowladdii xilligaas jirtay.

“Madaxweynayaashii hore Xasan iyo Sheekh Shariif way ka ganbadeen arrinta Muqdisho, marka waxaa laga rabaa madaxweyne Farmaajo in uu ku dhiirado oo uu u hiiliyo gobolka Banaadi,r” ayuu yiri Mustaf Dhuxulow oo ka hadlay doodii maanta ee baarlamanka.

“Haddii ay noqoto Aqalka sare ama barlamaanka waxaan aaminsanahay in uu heli karo matalaada ugu badan oo xaqiiq ah, arrinta Muqdisho nuuc kasta ay tahay, waxaan aaminsanahay in Muqdsiho ay tahay magaalo Soomaaliyeed oo sharaf iyo ammaan mudan oo dadka soo dhawaysay,” ayuu yiri Mustaf Dhuxulow oo aad ugu amaanay dadka Muqdisho dagan wax qabadkooda iyo garab istaagii ay garab istaagnaayeen ka soo billaw dowladii Madaxweyne Aadan Cadde ilaa dowlada Farmaajo.

Dhuxulow  waxa uu hoosta ka xariiqay in mudnaanta iyo horumarka ay gaareen sanadihii la soo dhaafay dadka Soomaaliyeed , ay Muqdsiho iyo dadka dagan ay yihiin dadkii abaalkaas lahaa, ayna mudanyihiin in loo mahad celiyo dadka Muqdisho.

“Muqdisho yaan loo arkin reer kaliya, waa hooyadii Soomaaliyeed, markaan ka shiraynay arrinta Muqdisho laba arrinba waa isku soo qaadnay, sida banaanbaxyo nabadeed, dhaqanka culumada, siyaasiyiinta aan shir la galno, in aan bilaawno shirar nabadeed, waxaan jeclanay in aan baarlamaanka walalaheena aan ka billawno arrintaas oo aan idinka codsanay,” ayuu yiri Dhuxulow.

Dhuxulow ayaa sheegay in maqaamka Muqdisho la siiyo ugu yaraan 13 Senator, oo uu soo jeediyay xildhibaam Mahad Maxamed Salaad.

Ugu danbayn Xildhibaan Mustaf dhuxulow ayaa ka codsaday baaralamaanka Soomaaliya in ay ku taageeraan arintaas, waxa uuna u sheegay xildhibaanada in Muqdisho ay tahay magaalo Soomaaliyeed, asaga oo rajo ka muujiyay in xildhibaanada ay u hiiliyaan oo ay garab istaagaan si maqaamka Muqdisho oo u meel maro.

W/Q: Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya