Sawir: Ban Ki-moon oo magacaabay bedelkii Kay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon ayaa habeenimadii xalay si rasmi ah u magacaabay Ergayga gaarka ah ee QM u fadhin doona dalka Somalia kaasi oo bedeli doona Danjire Nicholas Kay.

Ergaygaani ayaa sida aan wararkeenii hore ku sheegnay lagu magacaabaa Michael Keating oo ah muwaadin kasoo jeeda dalka Britain kaasi oo da’diisa lagu sheegay 56 sano jir.

Michael Keating ayaa lagu wadaa in 6 maalin kadib uu xilka kala wareego Ergayga QM ee Somalia, Nicholas Kay oo hadda si KMG ah xilkaasi usii hayo.

Keating1Michael Keating ayaa kasoo shaqeeyay dalal dhowr ah oo ay kamid tahay Afgaanistaan, waxa uu xiligaani diyaar u yahay in Khibradiisa shaqo uu usoo weeciyo Somalia.

Shaqooyinka uu soo qabtay ayaa waxaa kamid ah la-taliye Xalinta Colaadaha, waxa kale oo uu inta badan diyaariyaa Qorshaha Ficilada ee QM, gaar ahaan Xoojinta doorka QM ee in dadka laga badbaadiyo Khataraha Dagaalladda, gaar ahaan dalka Syria.

Waxa uu khibrad u leeyahay isku xirka u dhexeeya Kaalmooyinka Horumarinta, Siyaasadda iyo dowlad wanaaga.

Wuxuu kale oo uu la-taliye u ahaa Xafiiska QM ee Isku xirka hawlaha samafalka ee dalka Afganistan muddadii u dhexeysay sannadihii 1997-dii ilaa 1999-kii.

DFS ayaan aqoon buuxda u laheyn Michael Keating oo hadda bedeli doona Kay, waxaana suuragal ah in mudada u harsan ay kala kulanto caqabado kala duwan, bacdamaa magacaabidiisa ay kusoo beegmeyso xili kala guur ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com