Goorma la shaacinaa xildhibaanada K/Galbeed?

Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koofur Galbeed ayaa wadda dadaaladii ugu dambeeyay e lagu soo xulayo baarlamaan uu yeesho maamulkaasi, maadaama dhismaha baarlamaanka uu ka dhiman yahay maamulka Shariif Xasan Sheikh.

Wasiirka arimaha gudaha maamulka koofur galbeed C/raxmaan `Ibraahim Aadan, oo wariyaasha kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in muddada ka harsan bisha November ay kusoo idleyn doonaan soo xulista baarlamaanka maamulkaasi.

Bilihii ugu dambeeyay ayaa waxaa socdey dhameenta qilaafaadkii  kadhashay soo xulista baarlamaanka oo ay muujiyeen qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee daga gobolka Bakool.

Sida wasiirka uu sheegay waxaa la dhameeyay dhamaan murudii ku saleesnaa isku fahmin la’aanta qaabka loosoo xulayo baarlamaanka maamulka koofur Galbeed.

“Bishan inta ka dhiman ayaa ka dhinaan doonta soo dhisada maamulka koofur galbeed oo dhameystiran, sababtoo ah bilooyin badan ayaa lagu juhdi bixiyay sidii baarlamaan an u yeen laheen”ayuu yiri wasiir C/raxmaan Sate.

Maamulka uu madaxweynaha ka yahay Shariif Xasan Sheikh Aadan, ayaa waxaa muddo badan laga sugayaa dhismaha baarlamaan maamulka uu yeesho, waxaana culeesyo badan uu kala kulmay waxgaradka Baay, bakool iyo Shabeelaha Hoose daga.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com