Golaha wasiirada DFS oo la isku shaandheeyey!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Labo ka mid ah golahiisa wasiirada, islamarkaana ku bedalay xubno cusub.

Ra’isul wasaaraha dalka ayaa xil ka qaadista ku sameeyay Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan oo ahaa wasiirka Ganacisga iyo warshadaha iyo Wasiirka Korontada iyo Biyahana, Mudane Maxamed Xasan Aadan (Shaahiyow)

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa xilalkaasi u kala magacaabay C/laahi Maxamed Axmed oo laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, halka Wasaaradda Korontada iyo Biyahana loo Magacaabay Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Wareegtada xil ka qaadista loogu sameeyay labadaasi wasiir laguna magacaabay wasiirada kale ayaa la sheegay in uu aqbalay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com