Somaliland oo u digtay DF SOMALIA iyo Turkiga

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arimaha gudaha maamulka Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo wariyaasha kula hadlay magaalada Cerigaabo ayaa si kulul uga hadlay qorsha dowlada Soomaaliya ay ku shaacisay in dad kasoo jeeda Somaliland ay qeyb ka yihiin shirka madasha wadatashiga qaran ee Soomaaliya.

Wasiir Warancadde wuxuu ugu horeyn si caro leh u sheegay in qorshahaasi ay ka dambeeyeen dowlada Soomaaliya iyo dowlada Turkiga, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa soobaxay in dowlada Turkiga iyo maamulka Xamar ay wadaan qiyaano qaran,  waxay doonayaan iney waxyeeleyso qaranimada Somaliland, mana jirto cid Somaliland matasha oo Muqdisho shir kaga qeyb galayso”ayuu yiri wasiir Warancadde.

Cali Maxamed Warancadde, ayaa dhanka kale digniin u jeediyay dowlada Soomaaliya iyo dowlada Turkiga oo uu ku dhaliilay iney faragelin ku hayaan siyaasada maamulka Somaliland.

“Waxaan uga digeynaa maamulka Xamar iyo dowlada Turkiga ineysan soo fara gelin siyaasada Somaliland, waxaan ka firsan doonaa xiriirka nagala dhaxeeyo dowlada Turkiga, waxaana cadeynayaa in qofna Somaliland matasha ineysan jirin oo ka qeyb galeysa shirarka ka dhacaya Muqdisho”ayuu yiri.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo wasiirkoo hore ee arimaha dibada Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ka qeyb galay shir ay goobjoog ka ahaayeen dad kasoo jeeda deegaanada Somaliland oo lagala tashanayay nooca doorasho ee ka dhaceyso dalka sanadka soo socdo.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@live.com