Daawo Video: Dr. Cali Khaliif Galeyr oo sheegay in Muqdisho laga maleego kala go’a Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Khaatumo oo wariyaasha kula hadlay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa wax laga xumaado ka muujiyay in dowlada Soomaaliya ay sheegto mar walbaa in dhismaha federaalka ka dhiman yihiin Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wuxuu caro ka muujiyay in la iska iloobo maamulkiisa oo aan aqoonsi la siin islamarkaana aysan jirin masuul ka tirsan dowlada Soomaaliya oo soo hadal qaadaya maamulkaasi.

Hoos ka daawo