Puntland iyo Galmudug oo 3 qodob ku heshiiyey

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in go’aano cusub ay isla garteen odayaasha dhaqanka ee kasoo kaa jeeda deegaanada Puntland iyo Galmudug kuwaasi oo ku baxay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Odayaasha oo kulan deg deg ah ka yeeshay dagaalkii Gaalkacyo ee sababay dhimashada iyo dhaawaca ayaa waxay soo saareen seddex qodob oo la sheegay in lagu dhameyn karo dagaaladii ka dhacay magaalada.

Waxgaradka oo si wadajir ah warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay iney si deg deg ah usoo saareen seddex qodob oo lagu joojin karo dhiig dambe oo lagu daadiyo magaalada Gaalkacyo iyo dagaalo kale oo ka dhaca magaalada, waxaana kamid ah:-

1 In xabad ay ku dhawaaqeen la dhaqan geliyo

2 In la kala qaado maleeshiyaadkii shalay dagaalamay

3 In Xal buxa laga gaaro dagaaladii dhacay iyo qasaaraha ka dhashay.

Nabadoonnada ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo ay tahay magaalo aan xamilo karin dagaalo markale ka dhaca, maadaama horey dagaalo badan oo qasaaro geystay ay ka dhaceen.

Dagaalkii shalay ayaa ka dhashay waddo laami ah oo maamulka puntland doonayay inuu ka dhiso magaalada, taasi oo markii dambe soo gashay dhanka Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com