PUNTLAND oo soo saartay go’aankeeda 2016-ka

Garoowe (Caasimada Online) – Shirka Wadatashiga Puntland ee geeddi socodka doorashooyinka Soomaaliya ee la qaban doono 2016-ka ayaa si rasmi ah uga qabsoomay (16-17 November) 6 magaalo oo kala ah Garoowe, Gaalkacyo, Boosaaso, Qardho, baran iyo Tukaraq.

Ujeedada wadatashayadu waxaa ay ahayd sidii shacabka Puntland ay aragtidooda uga dhiiban lahaayeen afarta hab doorasho ee lagu soo bandhigay shirkii koowaad ee madasha wadatashga qaran ee ka dhacay Muqdisho 19-20 October, 2015.

Hadaba markii Guddiyada farsamo yaqaanka ee ka howlgalayey Lixdaas magaalo aragtida 600-dii boqol ee ergay ee ka qaybgalay wadatasiha Puntland, waxaa soo baxday sida soo socota:-

1:- Waxay ergada wadatashiga Puntland isku raaceen in 100% habka ugu habboon ee lagu soo xuli doono mudaneyaasha golaha shacabka Soomaaliya uu noqdo Habka DEEGAANKA.

2:- Waxay dhammaan ergooyinku isku raaceen inaysan sinaba suurtogal ku ahayn in dib loogu laabto nidaamka wax qaybsi ee ku salaysan qoondada beelaha(4.5), maadaama uu si toos ah uga hor imaanayo dastuurka dalka u yaalla iyo heshiisyadii lagu gaaray Garoowe (Garowe Principles 1,2), Nidaamka wax qaybsi beeleedku wuxuu caqabad weyn ku yahay geeddi socodka, dimuqriyeynta maamulka dalka,wuxuu ka hor imaanayaa sinaanta dadka Soomaaliyeed, wuxuu horseedayaa caddaalad darro,musuq maasuq, amni darro iyo in dalku kala go’o.
warsaxafaded