ODAWAA oo sandullo looga dhigay arrin uu ka biya diidanaa iyo qorsho cusub oo uu shaaciyay

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, ayaa ka hadlay muranka iyo Khilaafka ka taagan dhismaha Guddiga farsamada maamulada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wasiir Odawaa ayaa sheegay in wasaaradu ay ku howlan tahay sida ay xal uga gaari laheyd Khilaafka ka dhashay awood qeybsiga lagu dhisay Gudigaasi, waxa uuna cadeeyay in dib u habeyn ay kuwadaan Guddiga farsamada.

Wasiir Odawaa ayaa sheegay in xili waliba ay diyaar u yihiin inay raali galiyaan Beelaha cabashada wada, waxa uuna sheegay in dib u habeynta ay tahay mid lagu raali galinaayo beelaha diidmada adag ka muujiyay dhismaha Guddigaasi.

Waxa uu sidoo kale wasiirka sheegay in dib u habeynta gudiga ay u dhici doonto sida ay u rabaan Beelaha ka hor imaaday Gudigii hore ee la dhisay waxa uuna carabka ku dhuftay inay rajeynayaan in Gudiga soo socda uusan dood ka imaan.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federalka Xukuumadda Somaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay dhismaha Maamul Goboled inay tahay arin adag oo leh caqabado badan oo ka hor imaanaya dadka howsha wada.

Mar uu dhismaha maamulkaasi ka hadlaayay ayuu yiri “DFS waxay rabtaa in Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan caasimad looga dhigo meesha ay ku heshiiyaan Dowladu diyaar uma aha inay cadaadiso dhinac gaar ah”

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya waxa kale uu sheegay inaan weli lagu heshiin halka shirka lagu qabanaayo iyo sidoo kale halka ay noqonayso caasimada, balse xubno ka tirsan Wasaarada dhawaan ay tegi doonaan Magaalooyinka Jowhar iyo Baledweyne.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri “Maamulka Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan shaqadiisa si wanaagsan baan ugu jirnaa, dabcan culeys la’aan ma ahan, aniga runtii waxaan aaminsanahay in Somalia dib usoo kacayso, marka ay soo kacayso jid adag bay soo maraysaa, waad la socotaan Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug midna ma dhalan iyadoo la’isku macaan yahay, kan Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan waa la mid”

Dhanka kale, Wasiir Odawaa ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaradiisu ay suuragalin doonto qancinta iyo raali galinta Beelaha Soomaaliyeed ee kasoo kala Jeeda Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com