Xasan oo u kala eexday Galmudug iyo Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in xiriiro dhexmaray Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Galmudug ay uga wada hadleen Dagaalka ka dhex curtay Galmudug iyo Puntland.

Madaxweyne Xassan oo si gaar ah uga danqaday dagaalka Puntland ay ku qaaday Maamulka Curdunka ah ee Galmudug, ayaa waxa uu Madaxweyne C/kariin Gulleed ugu baaqay in dhaawacyada Ciidamadiisa uu keeno magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xassan ayaa Gulled ku wargaliyay in dhaawacyada Ciidamadiisa ay u diri doonaan diyaarad gaar ah, islamarkaana uu ka faa’iideysto si gargaar caafimaad ay u helaan Ciidamada uga dhaawacmay dagaalkii ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Gaalkacyo.

Dhaawacyada la filaayo in laga soo daadgureeyo Isbitaalada Galmudug, ayaa tirro ahaan yar marka loo eego kuwa Puntland.

Fariinta uu Madaxweyne Xassan u diray Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo gaartay dhegaha Maamulka Puntland ayaa waxaa carro ka muujiyay Maamulka C/wali Gaas oo mudooyinkaani danbe xurguf Siyaasadeed kala dhexeysay DFS.

Maamulka Puntland ayaa garwaaqsan in DFS ay bixisay Hubkii Galmudug ay kula dagaalantay Puntland, waxa uuna C/weli Gaas kulamo degdeg ah isugu yeeray Wasiiro iyo Xildhibaano si ay go’aan cad uga gaaran Tallaabada DFS ay ku garabsiineyso Galmudug.

Dhanka kale, Maamulka Puntland ayaa lagu wadaa inay war cad kasoo saaran dagaalka ay rumeysan yihiin inay ololineyso DFS.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com