Doorasho ceynkee ah ayaa ku haboon Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Calaw-siyasaadeed, Ismaan-diid iyo Kala Aragti duwanaansho ayaa waxaa laga dareemayaa Guuxa Hoose ee Madaxda Maamul-gobaleedyadda ka keeneen Nidaamka Doorashadda Madaxtinimadda ee lagu wado in la qabto Bartamaha Sannadka soo socda.

Himilo badan ayaan weli Tisqaadin si loo ambaqaado Taabagelinta Doorashadda sannadka soo socda, waxaana sidii baraf oo kale u shiiqay Siyaasiyiinta u hanqal-taagayey inay Xisbi-siyaasadeed ahaan uga qeyb galaan Doorashadda.

Siyaasiyiinta haatan rumeysan inay Xisbiyo-siyaasadeed dhisteen ayaa waxay u muuqdaan kuwo Riyo Khiyaali ah ku jira, waayo waxa haatan dhisan waa Ururro siyaasadeed oo aan weli u xuub-siibanin Xisbiyo Siyaasadeed, isla markaana aan si sharci ah loo diiwaan-gelinin.

Shaxdii Nidaamka Doorashadda ee Xisbiyadda badan ayaa la qiyaasayaa inay Somalia ka qabsoomi karta sannadka 2020-ka iyo wixii ka dambeeya, waayo xaalladda xilligan ayaa lagu khasban yahay in Nidaam Xeer Jajab lagu heshiiyo si loo qabto Doorasho Qaran oo lagu soo dooranayo Madaxweyne, Guddoomiyaha Barlamaanka cusub, Xildhibaanadda Barlamaanka iyo Hay’addaha kale ee lafdhabarka ah Dowlad Qaran.

Talo-ururinta Maamul-gobaleedyadda ku eegayaan Aragtiyaha Siyaasiyiinta iyo Qeybaha Bulshadda ku nool Goballadda dalka, ayaa waxaa ka soo baxayo Maxsuul u muuqda inaysan hal hilin ku wada soconin, waxaana Talooyinka guud la hor dhigi doonaa Shirka Madasha Wada-tashiga Qaranka oo dhici doona bisha December ee soo socota.

Madaxda Maamul-gobaleedyadda waxay Talo-ururinta ku dabaqayaan Hankooda Siyaasadeed iyo inay miisaan culus ku yeeshaan Dowladda beddeli doonta Dowladda Federalka ee uu xilligeedu dhacayo bisha August ee sannadka soo socda.

Inkastoo aan Talooyinka laga ururiyey qaar ka mid ah Maamul-gobaleedyadda aan si rasmi ahaan loo shaacinin, ayaa waxaa haddana soo ifaya inay jiraan Isbaaro-siyaasadeed oo ay adkaan doonto qaabka looga gudbi karo, haddii uu Maamul-gobaleed kasta ku adkeysto Talo-ururinta uu soo sameeyey.

Siyaasiyiin aan xubno ka ahayn Dowladda Dhexe iyo Maamul-gobaleedyadda ayaa durbadiiba bilaabay Qeylo-dhaan lagu doonayo in lagu fashiliyo Talooyinka la xiriira Qaabka ay noqon karto Nidaamka Doorashadda Madaxtinimadda iyo Qaabka lagu saleyn doono.

Isbaaradda Siyaasadeed ee ay maleegayaan Siyaasiyiinta lagu tilmaami karo Qas-wadayaal ayaa waxay doonayaan in Ummadda Soomaaliyeed dib loogu celiyo Marxalladihii laga soo gudbay sannadihii 1990-aadkii, laakiinse ma muuqato inay Ummadda oggolaan doonaan Qorshahaasi.

Sidoo kale, Xeeldheerayaasha waxay farta ku godaan Madaxda Dowladda Federalka oo iyagu u muuqda kuwo ku fashilmay inay dalka gaarsiiyaan Doorasho Hal qof iyo Hal Cod (One man and One Vote).

Waxaana la qiri karaa in Waqti badan la baylihiyey oo run ahaantii lagu dhamaystiri kari lahaa Ajendooyinka Qaranka, balse, taasi ma dhicin sabab kasta ha loo aaneeyo.

Dib-u-doorashadda Madaxda Qaranka waxaa ka muhiimsan in marka la isla meel dhigo Talooyinka ay Maamul-gobaleedyadda ka soo ururiyaan Talo-siinta Muwaadiniinta ee Nidaamka Doorashadda soo socota.

Maamulka Puntland waxay ka shanqariyeen inaysan oggolaan doonin in Nidaamka Awood-qeybsiga Beelaha ee 4.5 lagu dabaqo Nidaamka Doorashadda sannadka soo socda, waxayna u ololeynayaan in Qaabkii Degmooyinka iyo Goballadda ee Xilligii Dowladdii Kacaanka lagu kala qeybsado Awoodda Qaranka.

Labadaasi Aragti ayaana caqabad xooggan ka dhex dhalin karta Dowladda Dhexe iyo Maamul-gobaleedyadda ku adkeysanayo in Awoodda lagu qeybsado Qaab Deegaan.

Khubarada iyo Cuqaasha ayaana rumeysan inaysan haatan suurto-gal ahayn in wax lagu qeybsado Nidaamka Qaab Deegaan, maadaama uusan dalku isku furnayn, isla markaana ay jiraan Degmooyin aysan Dowladda Dhexe iyo Maamul-gobaleedyadda gacanta ku hayin.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan haddii la yiraaahdo Nidaam Deegaan wax ha lagu qeybsado waxay ku fiicnaan lahayd in la gaaro Xilligeeda, maadaama dalka ay haatan ka socdaan colaado iyo kala qoqobnaansho.

Si kastaba ha ahaatee, Nidaamka Federalka iyo Nidaamka Dimuqraadiyadda oo ay dadkeenna weli ku barbaarin ayaa waxay ku khasbanaan doonaan in ay Xeer Jajab galaan, oo laga doodo sidee loo wada qeybsan karaa Xilalka Dowladda iyo Qaabee laga dhigaa Dowladda.

Xitaa waxaa aad loogu daali doonaa Awoodaha Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha, maadaama uu Khilaafkaasi qeyb ka yahay Dib-u-dhaca Dowladda Federalka iyo Fashilka qabsoomida Doorashadda sannadka soo socda.

Markaynu isku soo duubno, waxaa habboon inay Hoggaamiyayaasha talada ku darsadaan in laga xishoodo Isbahaysiga Beeleed, oo Hiigsiga laga dhigo mid Rabitaan Qaranimo, ee aan laga dhigin mid Beeleed, illayn Ummadda Soomaaliyeed waxaa ragaadiyey Rabitaanka Qabiilka iyo Anaa Amiir Wa Anta Amiir.

W/Q Ustaad N.A.A

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com