Muqdisho (Caasimada Online)-Sawirkaani ayaa waxaa lagu muujiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo wali ku taagan Mowqifkiisa ku aadan diidmada Xukuumada Somalia.
Waxaa lagu cabiray in Guddoomiye Jawaari uu cadaadinaayo Xildhibaanada si ay u diidaan meelmarinta Golaha Wasiirada.
Guddoomiyaha ayaa Iridka ka xirtay Wasiirada oo la doonaayo in la mariyo Baarlamaanka, waxa uuna Iridka hore ee Hoolka Xarunta la taagan yahay bud aad u weyn.
Wasiirada ayaa sidoo kale Hoolka Ansixinta uga booday Dariishadaha si ay u hortagaan Baarlamaanka iyagoo ku taagan go’aanka lagu magacaabay.