Xog: Khilaafka xukuumada iyo BF Somalia oo gaaray beesha caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in meel xun uu gaaray Khilaafka ka dhextaagan Xukuumada iyo Baarlamaanka Somalia kadib markii leysku qabtay Wasaaradaha qaar.

Khilaafka xoogiisa ayaa u dhexeeya Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxa uuna Khilaafkaasi oo degdegay kadib markii la kala bedelay liisas ay kala keensadeen Jawaari iyo Shariif Xasan.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Ra’isul wasaaraha Xukuumada ayaa laga soo xigtay in Khilaafka labada mas’uul uu iminka gaaray Beesha Caalamka.

Kheyre ayaa la sheegay in wakiilada Beesha Caalamka uu u gudbiyay Khilaafka isagoo ku andacoonaaya in lagu dirqinaayo shaqsiyaad gaara oo aan kamid aheyn Golaha lasoo dhisay.

Wakiilada Beesha Caalamka oo maalmahani ka warhayay Khilaafkaani ayaa iminka lagu wadaa inay kala dhexgalaan labada Mas’uul walow ay garwaaqsan yihiin halka ay boogta ka quransan tahay.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa in kullamo gaar gaara ay la qaatan Kheyre iyo Jawaari, si xal waara looga gaaro Khilaafka ka dhashay magacaabida Golaha Wasiirada.

Beesha Caalamka ayaa horay u dhex dhexaadisay Dowladii hore oo Madaxdeeda ay isku heysan jireen arrimo Siyaasadeed waxa ayna Dowladaani qeyb ka noqoneysaa Dowladihii hore ee ka shidaal qaadan jiray Beesha Caalamka, waa haddii aan la qaboojin Khilaafka taagan.

Dhawaan ayay aheyd markii qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka lagu taageeray Xukuumada lagu jideeyay Hanaanka awood qeybsiga ee uu magacaabay Ra’isul wasaare Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com