Halkaan arrin haddii aan laga hortagin mucaawinada la qeybinayo dhibaato ayaa ka dhallan doonto!

Muqdisho (Caasimadda Online) – Soomaaliya waxaa ka jirto abaar aad u daran taasoo keentay inay malaayiin Soomaali ah gaajo iyo oon ay uga soo cararaan dhulkooda, kadib markii ay waayeen roobkii ay noloshooda ku tiirsaneyd.

Haddaba waxaa socdo  gurmad weyn oo ay wadaan hey’adaha dowladda iyo hey’adaha gargaarka caalamiga, waxaana jirto hal arrin oo markasta lagu arko kaamamka laga qeybiyo raashinka oo ay dagan yihiin dadka soo barakacay.

Waxaa jirto in inta badan meelaha lagu qeebiyo raashinka ay soo buux dhaafiyaan ciidamo ka tiran dowladda iyo kuwa kale oo maleeshiyaad  ah kuwaas oo isku dayayo inay soo faragelinayaan howshaas waxaana inta badan ka dhalato is qabqabi keenta rasaas in la isla dhaco meeshaasna waxay dhibaato xoog kasoo gaartaa dadka abaarta saameysay.

Waxaa ugu dambeysay Shalay markii Hey’adda Turkiga ah ee maamusho Dakadda Muqdisho ay geysay raashin gargaarka ah Duleedka Muqdisho waxaa halkaas ka dhashay buuq kadib markii ay is qabsadeyn General Cabdullaahi Xasan Bariise oo Hay’ada Al Bayrak Geeyey deegaanka km13  iyo Ciidan ka tirsan nabad sugidda Degmada Kaxda oo is hor istaag ku sameeyey.

Waxay sheegeen Maamulka Degmada Kaxda   General Bariise iyo Hay’ada aysan soo war gelin maamulka aysana macquul aheyn in Km13 laga qeebiyo raashin aysan maamulka ogeyn Maadaama ay hoos tagto degmada Kaxda.

Maamulka Degmada Kaxda ayaa is hortaagooda kadib waxay keentay in dadkii deeqda lasiinayey ay joogsato oo Deeqdii dib loogu soo celiyo Dekada Muqdisho oo markii hore laga qaaday.

Inkastoo uusan halkaas ka dhicin dagaal haddana waa halis weyn oo soo wajihi karto dadka abaareysan, waxaana dowladda Soomaaliya laga rabaa inay qeybinta gargaarka u sameyso ciidamo u gaar ah lagana ilaaliyo in meelahaas la isku dagaalo.

Xilligii dowladda Turkiga ay raashinka ka qeybineysay Soomaaliya sanadkii 2013 ayaa waxaa ka dhalatay dhibaato badan oo keentay inay naftooda waayaan dad badan oo kasoo barakacay Gobolada dalka kadib markii ay is dagaaleen ciidamadii raashinka ilaalinayey iyo kuwa faragelin ku sameeyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com