Cali Khaliif: Ma doonayo inaan Somaliland madaxweyne, wasiir iyo taliye ka noqdo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa ka hadlay wadahadalada u socday muddooyinkii dambe maamulka Somaliland iyo Khaatumo.

Cali Khaliif, ayaa sheegay in marnaba uusan ku qanacsaneyn inuu madaxweyne ka noqdo Somaliland islamarkaana aysan jirin wax gaar ah oo yaala magaalada Hargeysa oo qasbaya inuu heshiisyo gaar ah la gaaro.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuusan ku qanacsaneyn inuu wasiir ama taliye ciidan uu ka noqdaa deegaanada Somaliland,  balse mar walbaa la doonayo in wadahadalka uu miro dhalaa.

“Wax magaalada Hargeysa yaalla oo aan aniga Cali ahaan ama intaan xukuumadda ku wada nahay oo ay u hunguryoonayaan ma jiraan, madaxweynaheedaan ku qanceyn, wasiirkeedaan ku qanceyn, ciidamadeeda xukun baan ku qanceyn” ayuu yiri Prof. Cali Khaliif Galeyr.

Dhinaca kale Mr Galeyr ayaa sheegay in been abuur ay tahay inuu burburay wadahadalka u socday Somaliland iyo Khaatumo, islamarkaana wali uu socdo qorshaha wadahadalka sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn, Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in wadahadallada ay kula jiraan maamulka Somaliland aysan ka keeni doonin guul­darro, ayna soo qaadi doonaan wax ay ku qancaan shacabka deggan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com