Muranka wasiirada wuu batay: Aqriso shuruudaha dastuuriga ah ee wasiirnimada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa inta badan Soomaaliya caado ka ah in la mucaarado qof kasta oo xil loo dhiibo haddii ay ahaan laheyd Madaxweyne, Ra’isulwasaare, wasiiro iyo Xildhibaano iyadoo aan qofka loo fiirineyn shuruudaha u diido karo inuu xilkaas qabto ama u ogolaan karo.

Waxaa jiro qodobo Dastuuri ah oo looga baahan yahay qofka Soomaaliya ka noqonayo Wasiir, sidoo kale waxaa jiro qodobo haddii lagu helo uusan kamid noqon karin liiskaas.

Haddaba Caasimadda Online ayaa idiin soo gudbineyso shuruudaha dastuuriga ah ee looga baahan yahay qofka Soomaaliya ka noqonayo wasiir, waxaana qodobadaan kasoo xiganay Dastuurka Dowladda Soomaaliya.

Haddaba aqriso, kadibna firii haddii uu jiro qof kamid ah wasiirada oo aan shuruudahaan buuxin, waana arrinta kaliya ee Ra’isuwasaare Kheyre gar looga yeelan karo inuu ku qaldan yahay haddii la heli shaqsi aan buuxin shuruudahaas, maadaama ay waajib tahay inuu Ra’isulwasaaraha ku dhaqmo Dastuurka:

Qodobka 98aad. Shuruudaha Xubinnimada Golaha Wasiirrada

(1) Qofka qabanaaya xilka Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha iyo Ku-xigeenkiisa:

(a) Waa in aan da’diisu ka yaraan afartan (40) sano;

(b) Waa in Aqoontiisu gaarsiisan tahay heer jaamacadeed

(2) Qofka loo magacaabayo Wasiir ama Wasiir Dawlo ama Wasiir-ku-xigeen:

(a) Waa inaan da’diisu ka yaraan soddon (30) sano;

(b) Waa in aqoontiisu gaarsiisan tahay heer jaamacadeed

(3) Xubnaha Golaha Wasiirrada muddada ay xilka hayaan, waxaa ka reebban:

(a) In ay qabtaan xilal kale oo aan ahayn xilka xildhibaannimada Golaha Shacabka;

(b) In ay qabtaan meherad madaxbannaan, hawl ganacsi, maaliyadeed ama warshadeed oo u gaar ah;

(c) In ay iibsadaan ama ijaartaan hanti Dawladeed;

(d) In ay hantidooda ka gadaan ama ka ijaaraan Dawladda

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com