Sawir shaki ku abuuray shacabka oo lagu arkay Villa Somalia – Maxaa lagu fasiray?

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa aad loo falanqeeyay sawir lagu arkay Villa Somalia, kaas oo ay qabteen kaamirooyinka xilli Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Guddoonka Baarlamaanka Federaalka ay madaxtooyada ku soo dhaweynayeen Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf.

Sawirka la arkay wuxuu ahaa mid muujinaya qoyska Madaxweyne Xasan Sheekh oo derbiga ku xardhan, waxaana sawirkaasi abuuray hadal-heyn xooggan.

Sawirkaasi wuxuu ka kooban yahay saddex sawir oo isku dhegsan hal boor, kuna daabacan derbiga weyn ee madaxtooyada, kaas oo qof kasta oo u socda xafiisyada madaxtooyada uu soo hor marayo.

Iyadoo madaxda laga duubayay sawirro iyo muuqaallo ayaa sawirkan ay qabteen kaamirooyinku, taas oo dhalisay hadal-heyn xoog leh oo ka tarjumeysa shaki dadweynaha ka qabaan qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee qabashada doorasho xor iyo xalaal ah iyo suurta-galnimada inuu xilka wareejiyo haddii laga guuleysto.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli madaxtooyada dhismo cusub lagu sameeyay, dalkuna uu dagaal ku jiro, shakiga doorashaduna uu sii xoogeysanayo, iyadoo muddo xileedka Madaxweynaha uu sii dhammaanayo.

Hadal-heynta shacabka ka timid sawirkan ayaa muujineysa cabsi laga qabo in Madaxweyne Xasan Sheekh uu bilaabayo kaligii-talisnimo, isla markaana aysan muuqan astaan muujineysa in uu diyaar u yahay qabashada doorasho la mid ah middii uu markii hore xilka ku yimid.

Dad badan oo aragtidan qaba, baraha bulshada ku faafiyay, waxay aaminsan yihiin in aan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah oo Madaxweynaha uu sheegay inuu qaban doono, iyagoo ololihiisa u fasirtay inuu damacsan yahay inuu sii joogo xukunka inta xaaladdu ka noqonayso sida uu rabo.

Qaarkood waxay la yaab ku tilmaameen sababta dal dagaal ku jira, madaxtooyadiisa loogu sawiray qoyska Madaxweynaha, halka qaar kalena ay su’aal geliyeen xikmadda ka dambeysa buunbuuninta qoyska Madaxweynaha.

Hoos ka eeg sawirka: