Muxuu horey u sheegay duuliyaha diyaaradii Muqdisho u soo socotay ee dhacday?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhammaan shantii qof ee saarnaa diyaarad xamuul ah oo ku dhacday duleedka magaalada Muqdisho 5:44 daqiiqo galabnimo, xilliga Geeska Afrika, maalintii Sabtida, ayaa geeriyooday, sida uu sheegay maamulka Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa DHC-5D Buffalo, laguna sameeyay dalka Canada, ayaa ka diiwaangashanayd dalka Kenya. Waxaa saarnaa laba duuliye, injineer, iyo qof maamula xamuulka.

Agaasimaha Hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan, ayaa BBC-da uga warramay sidii ay wax u dhaceen ka hor inta aysan diyaaradda dhicin.

“Shantii iyo afartan iyo afar daqiiqo ayey ahayd, maqribkuna wuu soo dhowaa. Hal matoor ayaa diyaaradda ka damay, sida aan ognahay iyo sida diiwaanka ku jirta, markii ay kusoo dhawaatay Muqdisho. Kadib, hawada ayey ka baxday,” ayuu yiri.

Diyaaradda ayaa subaxnimadii hore ee Sabtida ka duushay garoonka Muqdisho iyadoo u qaaday raashin ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ka howlgala, kuwaasoo hore loogu yaqaanay ATMIS.

Diyaaradda ayaa si nabad ah xamuulka ugu geysay magaalada Dhoobley, balse markii ay kasoo laabatay oo ay dooneysay inay kusoo degto Muqdisho, ayay ku burburtay degaanka koonfureed ee magaalada.

Sida la sheegay, diyaaradda waxay ku dhacday dhul ciid ah oo ku dhow badda, oo aan dad joogin.

Agaasime Axmed Macallin Xasan ayaa xaqiijiyay in, shan daqiiqo gudahood kadib markii ay waayeen xiriirka diyaaradda, la ogaaday in ay cilad jirto.

“15 daqiiqo gudaheed waxaan ku helnay in diyaaradda ay ku dhacday meel 13 kiiloomitir u jirta garoonka Muqdisho, dhinaca koonfureed, kuna dhow xeebta,” ayuu yiri.

Meydka shanta qof ee la socday diyaaradda ayaa laga soo qaaday goobta ay ku burburtay, waxaana la keenay Muqdisho ka hor inta aan loo sii gudbin dalkooda.

Diyaaradda oo aan ku dhicin goob dad badan joogaan iyo iyada oo ahayd mid xamuul ah ayaa hoos u dhigtay khasaaraha nafeed.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gurmadkii gaaray diyaaradda ay heleen hal qof oo nool, balse geeriyooday markii dambe.

Sababta keentay shilka diyaaradda ilaa hadda lama oga. Agaasime Axmed waxa uu sheegay in ay socoto baaris la xiriirta waxa sababay shilka.

“Waxa kaliya ee xaqiiqda sheegi kara waa qalabka xogta duuba ee diyaaradda. Inta aan ognahay, duuliyaha ayaa noo sheegay in hal matoor uu ka damay diyaaradda. Wixii intaas ka dheer waxaa lagu ogaan doonaa baaritaanka hadda socda,” ayuu yiri.

Baaritaanka ayaa la filayaa in uu qaato ugu badnaan hal sano, balse waxaa la rajeynayaa in warbixin horudhac ah ay si degdeg ah usoo baxdo.

Diyaaradda ayaa la sheegay in maalmo ka hor dayactir lagu sameeyay, islamarkaana aysan lahayn cilad la ogaa. Khubarada qaarkood waxay qabaan in shilalka diyaaradaha ay sababaan diyaarado gaboobay iyo xaaladaha adag ee lagu shaqeynayo.

Diyaaradda DHC-5D Buffalo waa nooc loogu talogalay in ay ku degto garoomada yaryar ama meelaha ciriiriga ah. Inta badan waxaa loo isticmaalaa in ay xamuul geyso meelaha fog ee ay adag tahay in la gaaro.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu yar ee ay ka dhacaan shilal diyaaradeed marka loo eego caalamka. Sanadkii tagay ee 2024, wax shil ah kama dhicin dalka.

Sanadkii 2022, bishii Luulyo, waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku dhacday diyaarad rakaab ah oo ka timid magaalada Baidoa.

Sidoo kale, sanadkii 2020, diyaarad ay lahayd shirkadda Skyward ee dalka Kenya ayaa ku burburtay dhabaha ay diyaaradaha ka haadaan ee garoonka Aadan Cadde. Diyaaradda waxaa saarnaa afar qof oo shaqaale ah, waxaana dhaawacyo kasoo gaareen laba kamid ah.

Dalalka Mareykanka, Ruushka, Canada, Brazil, iyo Colombia ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee ay ka dhacaan shilalka diyaaradeed adduunka.