Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Al-Shabaabkii ugu badnaa ay buux dhaafiyeen deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed kadib markii lagu jabiyay dagaallada ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe.
Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkay qaybo badan oo kamid ah gobollada Baay iyo Bakool, taas oo keentay in la dareemo xaalad kacsanaan ah, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.
Sidoo kale waxaa arrintan ka hadlay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala deegaannadaasi, waxayna sheegeen inay la socdaan xogta kooxda Al-Shabaab iyo dhaq-dhaqaaqooda, iyaga oo sheegay inay ka hortagi doonaan.
Taliyaha qaybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka Jenaral Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay inay la socdaan Shabaabka soo galay gobollada Baay iyo Bakool, kadib jabkii lagu gaarsiiyay dhanka Shabeelaha Dhexe.
“Waxaan ogaanay cadowgii nabad-diidkii ahaa in loo soo jabiyay xaggeena, waana cadow gabalkiisa soo dhacay oo soo jabay waayay” ayuu yiri taliye Xasan Baydhabo.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hadda ay bilaabeen dhaq-dhaqaaq ku aadan deegaannada Koonfur Galbeed, balse ay ka war hayaan, kana hortagi doonaan doonaan.
“Maadaama gacan adag loo gaystay waxay bilaabeen inay usoo firxadaan deegaannadan Koonfur Galbeed, gaar ahaan Baay iyo Bakool oo hadda ay dhaq-dhaqaaq ka wadaan, waxaana rabnaa inaan ka hortegno qorshaha Al-Shabaab” ayuu sii raaciyay taliyuhu.
Waxaa kale oo uu faray inay heegan buuxa galaan ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed, si ay uga hortagaan culeys ay Al-Shabaab soo saaraan gobollada Baay iyo Bakool oo ay suuragal tahay inay ka fuliyaan howlgallo culus.
“Saraakiisha guutooyinka iyo ururada qaybta 60-aad waxaan faray in si xoogleh loo feejignaado, la’iskana ilaaliyo nabad-diidka” ayuu mar kale yiri taliyuhu.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana labada gobol ee Baay iyo Bakool ka taagan cabsi ay dareemayaan dadka deegaanka oo ku aadan inay dagaallo dib uga qarxaan gobolladaasi maadaama labda dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen halkaas.
Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xooggan tahay kooxda Al-Shabaab, iyada oo oo aan weli si rasmi ah looga bilaabin gulufka ay waddo dowladda oo hadda ku kooban maamullada HirShabelle iyo Galmudug oo dhul ballaaran lagaga kooxda.