Muqdisho (Caasimada Online) – Sawirkaani qosolka badan ayaa waxa uu ujeedkiisu yahay in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu banaan joog ka ahaa Shirkii ka dhacay Magaalada Abu Dubai kaasi oo u dhexeeyay Hogaamiyayaasha maamulada dalka.
Sawirkaani ayaa waxaa lagu cabiray Madaxweyne Xassan oo taagan ilinka hore ee Madasha uu kulanka ka dhacaayay waxa uuna halkaasi uga dheg raaricinayaa Heshiiska ay Dowlada Imaaraadka la galeyso Hogaamiyayaasha.
Sawirka waxaa lagu muujiyayin Xassan Sheekh uu ku jiro walwal iyo walbahaar ka dhashay shirqoolada ay Dowlada Imaaraadka u maleegeyso.


