30.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Maxay ka dhigan tahay hanjabaada cusub ee ka soo yeertay Gaas?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa si adag uga hadlay xaaladda Degmada Qandala oo hoostagta Gobolka Bari.

Madaxweyne Gaas waxa uu caddeeyey in daacishta Somalia aysan qabsan karin magaalada Qandala isla markaana aysan lahayn awood ay ku qabsato magaaladaas, sida uu hadalka u dhigay.

C/wali Gaas waxa uu sheegay in Daacishta Somalia aysan cudud ku dhameyn ciidamada Puntland, waxa uuna meesha ka saaray inay dhici karto in maleeshiyada ay isku balaariso Degmada Qandala.

Isagoo arrintaani ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ”Daacish Puntland ma joogayso Qandalana ma haysanyso, awood ay ku joogto iyo mid ay ku haysato midna malaha waana laga howl galayaa waqtiga ay sii joogi karaana wuu kooban yahay”

”Puntland way ka howl gelaysaa si dhakhso ah , shacabka Puntland waxaan ugu baaqayaa wada jir iyo midnimo, nabad-gelyadooda inay xagsadaan dalkooda ay difaacaan horumarkana ay ka shaqeeyaan”

Gaas waxa uu wacad ku maray in Degmada Qandala aysan kuwada noolaan doonin iyaga iyo Daacish, wuxuuna ballanqaaday inay soo afjari doonaan.

Haddalka C/wali Gaas, ayaa imaanaya iyadoo Dhaqdhaqaaq militari laga dareemayo nawaaxiga degmada Qandala, waxaana xusid mudan in ciidamo ka yimid deegaano kala duwan ay xireen wadooyin ka taga magaalada Qandala oo ka yimaada dhanka Bariga.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News