28.9 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Xog: Xasan oo Tarsan hordhigay codsi yaab leh kadib heshiiskooda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan aan qornay in Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan uu ku biiray garabka Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh ayaa waxaa haddana soo baxaayay in Tarsan lagu amray inuu ku dhawaaqo in uu ka tanaasulay Musharaxnimadiisa.

Madaxweyne Xassan oo ku guda jira kala fogeynta Musharaxiinta ayaa Tarsan hordhigay inuu ku dhawaaqo in Musharaxnimadiisa uu ka tagay, si bilow wanaagsan uu ugu noqdo kuwa kale ee wali ku adkeysanaaya inay yihiin Musharaxiin.

Madaxweyne Xassan waxa uu sidoo kale Tarsan ka dalbaday inuu ka hadlo howlaha Dowlada si uu uga mid noqdo dadka Caadiga ah, isla markaana meesha looga saaro dhaawacyadii hore ee uu u geysan jiray Dowlada, ka hor inta uusan ku biirin garabka Madaxtooyada.

Tarsan ayaa ka gaabinaaya inuu ku dhawaaqo ka tanaasulida Musharaxnimadiisa, waxa uuna ku doodayaa in tanaasulkiisa uu imaan doono waxyar ka hor inta aan codeynta la bilaabin.

Si kastaba ha ahaatee, Tarsan ayaa waxaa iminka lagu biiriyay Guddiga dajiya shaxda Xildhibaanada cusub lagu soo xulaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News