Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Isutagga Emaaraadka Carabta, ayaa wada dadaal ballaaran oo lagu doonaayo in Baarlamaanka Cusub ee Somalia looga hor istaago Siyaasiyiinta taabacsan Urur diimeedka Ikhwaanul muslimiinka Somalia.
Dadaalkaani xoogiisa ayaa waxaa wada Danjiraha Imaaraadka u fadhiya Somalia Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi, oo arrintaani u kaashanaaya Hogaamiyayaasha Soomaalida.
Danjiraha ayaa culeyskiisa ugu badan saaray in Xildhibaanada ka imaan doona Gobolada dalka aan lagu soo darin Siyaasiyiinta ah Ikhwaanul muslimiinka.
Danjiraha ayaa Hogaamiyayaasha ka saxiixday Axdi ah in Xildhibaanada dhankooda ka imaan doona aysan kusoo darin Xubnahaasi si looga gaashaanto in xukunka dalka uu gacanta u galo Ikhwaanka.
Dowlada Imaaraadka waxa ay sheegtay in walaac ay ka qabto in Siyaasiyiinta Ikhwaanul muslimiinka kuraas badan ka helaan Labada Aqal ee Barlamaanka cusub, si taasi looga gaashaanto ayey ahmiyad u aragtaa in Heshiis hoosaad lala galo Hogaamiyayaasha Soomaalida.
Cabsida ugu weyn ee Imaaraadku qabo ayaa ah in Siyaasiyiinta Ikhwaanul muslimiinka ku xoogeystaan Siyaasadda Somalia.
Imaaraadku waxa uu sidoo kale ka walaacsan yahay in Siyaasiyiinta Ikhwaanul muslimiinka Doorashadda kula wareegaan talada dalka Somali.
Baarlamaanka Somalia ee uu wakhtigiisu dhamaaday ayaa 25% ahaa Xildhibaano taabacsan Ikhwaanul muslimiinka, waana tan keentay in Dowlada Imaaraadka ay kala dhantaasho ololaha Madaxweyne Xassan Sheekh.
Dowlada Imaaraadka ayaa horay sidaa oo kale ula dagaalanta Ikhwaanul muslimiinka Masar, waxa ayna dhaqaale culus ku bixisay burburintooda, waxa ayna iminka qorsho taa lamid ah ku dooneysaa inay ku kala dirto Siyaasiyiinta Musharaxa ah kana tirsan Ikhwaanul muslimiinka.
Si kastaba ha ahaatee, Siyaasiyiinta ay Dowlada Imaaraadka Kursiga ka ilaalineyso ayaa waxaa kamid ah Aalla Sheekh iyo Damul-Jadiidka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

