Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti gaaray Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo waayadii danbe ku jahwareersanaa Siyaasada Somalia.
Socdaalka Cumar C/rashiid ee Jabuuti ayaa salka ku haya ololihiisa doorasho, waxa uuna baryahaani danbe u dhexeeyay Kenya, Imaaraadka iyo Jabuuti oo uu hadda ku sugan yahay.
Socdaalka ayaa ku saabsan sida Madaxweynaha Jabuuti uu ugu qancin lahaa ololihiisa waxa uuna sharaxaad ka siinayaa inta dal ee taageersan iyo garabka uu ugu baahan yahay Ismaaciil Cumar Geelle.
Sharmaarke waxa uu dhagaha Ismaaciil Geelle ku dhibciyay inuu yahay Musharax waxbadan laga faa’iidi doono, waxa uuna usoo bandhigay dalab ah in laga garabsiiyo sidii uu kusoo muuqan lahaa.
Haddal heynta ugu badan ayaa ah in Cumar C/rashiid uu garab hubaal ah ka heysto Imaaraadka iyo Kenya, inkastoo inta badan dadka u dhuundaloolo Siyaasada ay shaki galinayaan in Imaaraadka uu taageersan yahay Sharmaarke.
Cumar C/rashiid ayaa awoodiisa ugu badan isugu geeyay sida uu kaga guuleysan lahaa Xassan Sheekh Maxamuud, oo iminka ay isku khilaafsan yihiin Siyaasada.
Dhinaca kale, Sharmaarke ayaa la sheegayaa in socdaalkiisa Jabuuti uu ahaa mid aan lagu wargalin Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh balse laga warhelay isagoo jooga Jabuuti.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

