Sawirkan waa gabar yar oo MUQDISHO joogta oo qaadatay go’aan cajiib ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaqan ahaan dumarka in ay shaqeeyaan oo ay raadiyaan biilka ama nolasha qoyska ma ahan mid nagu cusub, oo waxa uu u soo jiray tan iyo burburkii dowladii dhexe sannadkii 1991-dii, haddaba akhristow bal malee gabar yer oo malaha 13-jir ah oo u bareertay in ay qabto xirfad ay adag tahay inay qabtaan dumar badan.

Ayaan Maxamed Muuse, waxa ay la nooshay hooyadeed oo heesata carruur kale oo ay walaalo yihiin, aabahood ma noola sida ay sheegtay, waxaana ay go’aansatay in ay kaalin muuqata ka qaadato kabida iyo koritaanka qoyskeeda.

1517461_1405243763052019_1495760659_nWaxaa lagu arkay gabadhan yer mid ka mid ah wadooyinka Muqdisho, waxa ay hadda ku shaqeysaa xirfada kabo caseeyanimada oo ay ku xamaashaan carruur u badan agoon oo ku nool dalka.

Ayaan waxa ay sheegtay in go’aansatay intii ay tuugsan lahayd in ay shaqeesato, waxaana go’ankeeda soo dhaweeyay dad badan oo ku nool Muqdisho.

Dumarka Soomaalida ayaa kaalin weyn kaga jirra dhismaha iyo koritaanka qooysas badan oo ku nool Soomaaliya wixii ka dambeeyay burburkii dalka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com