Somalia oo wafdi u dirtay colaadda ka taagan Koonfurta Sudan (Warbixin)

Jubba (Caasimada Online) Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ayaa ku biiray xubno ka socda waddamada IGAD kuwaasoo maanta u ambabaxay magaalada Jubba ee caasimada Koonfurta Sudan, si ay qaboojiyaan colaada ka taagan dalkaas.

Wafdiga dowladda Soomaaliya waxaa hoggaamineysa si hayaha xilka wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Marwo Fowsiyo iyo wafdigeeda ayaa ku biiray wasiirada arrimaha dibedda IGAD oo hadda ka duulay garoonka diyaaradaha Addis Ababa halkaas oo ay ku ballansanaayeen wasiiradda, sidaas waxaa VOA u sheegay lataliyaha safaarada Soomaalida ee Addis Ababa, Cabdirashiid Sheekh Saciid.

Wafdiga u amababaxay caasimada Juba waxaa kaloo jirra wasiiradda arrimaha dibedda Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti.

Dhinaca kale, afhayeen u hadlay ciidamada Koonfurta Sudan Philip Agueran ayaa maanta oo Khamiis ah sheegay in gacantooda ay ka baxday caasimada gobalka Jongaley ee Bor.

Dagaalka ka qarxay Koonfurta Sudan Axadii ayaa waxaa ku dhintay 500 oo qof in ka badan 700 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay sheegtay hey’adda laanqeyrta case e ICRC.

War ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Koonfurta Sudan ayaa lagu sheegay in ciidamada ay gacanta ku hayaan magaalada Jubba, kaddib afgembi lagua doonayay in lagu qaado dowladda madaxweyne

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Addis Ababa

Caasimada@live.com