Mas’uul ka tirsan mamulka Somaliland oo lagu maxkamadeynayo Mareykanka

Washington DC (Caasimada Online) – Agaasimihii guud ee wasaaradda waxbarashada maamulka Somaliland Cali Maxamed Cali oo dhawaan ay guddi xeerbeegti ah oo ka tirsan maxkamadaha dalka mareykanka ay ku weysey dambi la xiriira inuu gacan ka geystay falal burcad badeednimo iyo afduubashomarkab Denmark laga leeyahay, ayaa hadda mar kale dowladda Maraykanku waxa ay sheegeysaa in dacwadaasi ay dib u fureyso oo ninkaasi maxkamad la horkeenidoono.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan waaxda dambi barista dalka mareykanka Cali Maxamed Cali ayay tahay in uu markale hortago maxkamad si uu uga jawaabo eedeymo ay dowladda Maraykanka u heysato in uu ahaa ninkii u dhaxeeyey afduubayaasha iyo ehelka dadka la afduubtey iyo mulkiilayaasha markabka, waxayna ku doodeen dacwad oogayaashu inuu qeyb ka helay lacagtii madax furashada, sida lagu eedeeyey,ilaa iyo haddana lama sheegin waqtiga ay bilaabaneyso dacwadda kale ee loo heysto mas’uulkaasi.

Ma aha markii ugu horeysay oo dacwad lagu soo oogo agaasimihii guud ee wasaaradda waxbarashada maamulka Somaliland Cali Maxamed Cali, waxaana jiray warar sheegayey in ninkan sidan oo kale hadda ka hor dacwad loogu soo oogay, inkastoo uu racfaan ka qaa tay dawacaddii lagu soo oogay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com