Warbixin: Maxaa xigay dilkii shalay ee dhaqaatiirtii ajnabiga ahayd?

Muqdisho (Caasimada Online) Urur ay ku mideesan yihiin dhakhaatiirta Soomaalida ayaa ku baaqay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo dilka lix qof oo afar ka mid ah ay ahaayeen dhakhaatiir Soomaali iyo Siiriyaan oo shaley lagu laayay duleedka magaalada Muqdisho.

Dr. Xuseen Muumin oo ah xoghayaha ururka dhakhaatiirta Soomaalida ayaa sheegay in codsanayaan in la baaro dilka dhakhaatiirtaas, haddii kale waxaa ka dhallan doonta ayuu yiri cawaaqib xun.

Wuxuu sheegay in dhakhaatiirta ku nool dalka ay qabteen badbaadinta naf badan oo la’aantood la weyn lahaa illaah ka sakow.

Wuxuu kaloo sheegay Dr.Muumin in haddii aan degdeg sharciga loo keenin kuwii ka dambeeyay dilkaas foosha xun in ay sababi karto dhakhaatiirta fara kutiriska ee ku nool dalka in ay ka cararaan.

Isku soo duub dilka shaley ka dhacay duleedka Muqdisho waxaa aad uga naxay shacabka ku nool magaalada Muqdisho, waxaana ay noqotay warka ugu weyn ee iminka la hadalhayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com