Sawiro: Boqor Burhaan oo ka degay Saldanada Cumaan

Masada (Caasimadda Online) –  Maantay waxaa Saladanada Cumaan gaaray Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka degay Caasimadda dalkaas Masqad.

Boqorka waxaa si gaar ah loogu soo dhoweeyey garuunka diyaaradaha, waxaan goob-joog ahaa masuuliyiin ka tirsan dalka cumaan, waxaa si gaar ah gagida diyaaradda ugu soo dhoweeyey Suldaanka Qabiilka Meheriga Suldaan Cabdullaahi Bin Ciise Aal-Cafraar, iyo qeybo ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida ee degan dalkaas.

Boqorka iyo wafdigiisa waxaa loo gudbiyey deegaankii Dawladdu u diyaarisay, lama faahfaahin ujeedada booqashada Boqorka ee dalkaas, waxaase ajandaha ka mid ah inuu saldanada uga tacsiyeyn doona Geeridii ku timid Suldaan Qaabuus bin Siciid.

Waxaa la filayaa maalmaha soo socda Boqorku inuu ku sugnaan doono Dalka Cummaan, oo masuuliyiin sare la kulmi doono, waxaa kaloo la filayaa inuu booqan doono Magaaalada Salalah ee ay ku badantahay Soomaalida.

Waxaa xusid mudan Boqorku inuu safarkiisii ka soo kicitimay dalka Imaaraadka Carabta halkaas oo uu kula kulmay qeybo ka mid ah amiirada dalkaas.