Siyaasi aad ah ugu dhawaa Muuse Biixi oo xisbi cusub ug dhawaaqay Muqdisho

Hargeysa (Caasimada Online) ― Prof. Cismaan Abuukar Dubbe, oo kamid ah Aqoonyahanka sida weyn looga yaqaano deegaanada Somaliland, isla markaana ka soo qeyb qaatay Doorashadii uu ku soo baxay Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa shalay Xisbi cusub kaga dhawaaqay Muqdisho.

Prof Cismaan Dubbe ayaa magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay Xisbi siyaasadeed cusub oo lagu magacaabo Xisbiga Nabadda, Barwaaqada iyo Midnimada ee la soo gaabiyo ‘HILOW’.

Aqoonyahankan oo ka soo jeeda magaalada Burco ee gobolka Togdheer, ayaa waxa uu kamid ahaa Shaqsiyaadkii qoray barnaamij siyaasadeedkii uu Xisbiga Kulmiye ku galay ololihii doorashada, isla markaana uu ku soo baxay Madaxweynaha talada haye ee Muuse Biixi.

Waxaana uu si dhow ula shaqeyn jirey Prof Dubbe waqtigii uu loolanka adag ugu jiray xilka Madaxtinimada Somaliland, Madaxweyne Muuse Biixi, oo xiligaa xisbiga Kulmiye ugu sharaxnaa madaxtinimada.

Prof. Dubbe oo ka hadlaya xisbiga cusub ee loo diiwaan galiyay, ayaa waxa uu yiri “Waxaanu hadda ka soo baxnay xafiiska guddida diiwaan-galinta asxaabta qaranka Soomaaliya oo aanu ka soo diiwaangalinay xisbi cusub oo hankiisa, himiladiisa iyo hoggaankiisuba ku cusub yihiin dhagaha iyo maqalka shacabka Soomaaliyeed”.

“60-sanadood ayaa ka soo wareegtay markii Soomaalidu xornimada ay qaadatay ee ay ka qaadatay gumaysigii qaybiyey ee kala qoqobay, ummadihii wakhtiga inala qaatay xoriyadda 60-kaa sanadood ka hor ee dawladaha dunida ka mid ahaa”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Maantana waxay dageen oo ummadahoodii ay dajiyeen gurya-samo, gayigoodiina waxay ka dhigeen guri barwaaqo ah oo nabadd ah oo xasiloon. Laakiin nasiib-darooyin, dagaalo iyo dib u dhac ayaa ahaa inta kaga soo aaday Soomaalida, qaybtii ay duniddu qaybsatay”.