Cawad: Dalka taageerada ugu weyn siiya Soomaaliya waa Sacuudi Carabiya

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa ammaanay “Doorka Sacuudiga” ee dunida Carabta iyo Islaamka, waxaana uu sheegay in boqortooyada ay ahayd dalka taageerada ugu weyn siiya Soomaaliya, tan iyo markii ay xoriyadda qaadatay.

Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyey wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo khaas ah, islamarkaana uu horumaray tobanaanki sano ee tagay.

Waxa uu sheegay in taageerada Sacuudiga uu siiyo Soomaaliya aysan ku koobneyn kaliya maaliyadda, balse ay qeyb ka yihiin siyaasadda iyo dhaqanka.

Hay’adda gargaarka ee Boqor Salman, ayuu sheegay, in Soomaaliya ay ka fulineyso mashaariic gaaraya 40, oo ku kacaya guud ahaan 184 milyan oo dollar.

Mar wax laga weydiiyey xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, Cawad waxa uu sheegay inuu wanaagsan yahay islamarkaana Soomaaliya ay Imaaraadka Carabta uga mahad-celineyso taageerada dhinacyada kala duwan ah ee ay siiso.

Isaga oo ka hadlayey siyaasadda arrimaha dibedda Soomaaliya, ayaa Cawad waxa uu sheegay in dalka muddo lagu yaqaan dhex-dhexaadnimo, islamarkaana ay ka go’an tahay inuu siyaasaddan sii wado.

“Siyaasaddeena waxaa qeyb ka ah inaan kala saarno dalalka walaalaha nala ah iyo kuwa saaxiibka nala ah, iyo xiriirada aan la kala yeelaneyno,” ayuu yiri.

Soomaaliya ayaa markii ay is-qabteen xulufada Sacuudiga iyo Qatar, waxay dooratay siyaasad dhex-dhexaadnimo, hase yeeshee loo macneeyey taageero Qatar.

Dhinaca kale, wasiirka ayaa amaanay isbaheysiga dalalka Gacanka Cadan iyo Geeska Afrika ee dhowaan looga dhowaaqay dalka Sacuudiga, wuxuuna taageeray go’aanka xarunta isbaheysigan looga dhigay magaalada Riyadh, taasi oo sida uu sheegay ka tarjumeyso doorka Sacuudiga ee dalalka Islaamka iyo Carabta.