Caruur ku geeriyooday xero barakacayaal oo ku taalla duleedka MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaaraan saddex caruur ah ayaa lagu soo warramayaa inay saacadihii la soo dhaafay ku geeriyoodeen Kaamka Maandeeq oo ku yaalla KM13 ee duleedka magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in caruurtaasi uu ku soo booday shuban biyood, haatana ay la il daran yihiin todobo kale, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Todobada caruurta ah ee uu hadda soo riday shubanka ayaa loo soo qaaday isbitaallada ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho, si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad.

Dadka barakacayaasha ee dagan Kaamamka ku yaalla duleedka Caasimada oo inta badan ka yimid Sh/Hoose ayaa maalmihii dambe wajahayey xaalado dhanka nolosha ah.

Sidoo kale dadka qaar ayaa la sheegayaa inay nafaqo darro darteed barareen, waxayna codsanayaan gargaar bani’aadnimo oo deg-deg ah.

Dhowaan ayey aheyd markii saddex caruur ahaa ay Gaajo darteed ugu geeriyoodeen Kaamka Calaf Suge ee duleedkaMuqdisho, kadib markii ay waayeen wax ay cunaan.

Dowladda federaalka iyo sidoo kale hay’adaga Samafalka illaa iyo hadda kama jawaabin baaqa dadkaasi dhibaateysan ee u dhimayaa gaajada iyo caafimaad darrada heysata.