Muwaadiniin Soomaali ah oo xalay dil iyo dhaawac loogu geystay K/AFRIKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadiniin Soomaali ah dil iyo dhaawac loogu geystay dalkaasi.

Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa la sheegay inay xaafadda Soomaalida ku badan tahay ee Bellville oo ka tirsan magaalada Cape Town ay ka geysteen weerarkaan oo lagu dilay ganacsade Soomaali ah, mid kalena lagu dhaawacay.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Nuur Degeb, halka midka la dhaawacay magaciisa lagu soo koobay, Mustaf.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dilka kadib ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo bilaabay howlgallo lagu baadi goobayo burcadii ka dambeysay falkaasi.

Weerarkaan ayaa noqonayo kii labaad oo sanadkaan cusub ee 2020-ka Koonfur Afrika loogu geysto ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha wadankaasi.

Inta badan Soomaalida ayaa dil iyo boob kala kulma rag burcad ah oo u dhashay dalkaasi K/Afrika, mana muuqato qorshe ay dowladdu wax uga qabaneyso dhibaatooyinkaasi.