26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

ISIS oo soo bandhigay muuqaal dunida ay hadal hayo (Sawirro)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ayaa soo bandhigtay sawiro argagax horleh  ku beeray dunida, kadib markii ay shaaciyeen caruur toogasho kula dhaqaaqeysa ku dhawaad shan maxaabiis oo kooxda Daacish u xirnaa.

Shanta Caruur oo da’dooda ay yar tahay ayaa toogasho ku fuliyay shan ruux oo la sheegay iney ahaayeen maxaabiis u xirnaa kooxda Daacish ee ka dagaalanta Syria, Ciraaq iyo wadamo kale.

Muuqaal laga soo duubay caruurta ayaa waxaa muuqanaya caruurta oo xiran dharka ciidanka militariga, gacantana ku heysta bastoolado, waxaase la sheegay in goobta muuqaalka looga duubay ay tahay meel kamid ah dalka Syria.

Mid kamid ah caruurta oo da’diisu tahay 12 sano jir ayaa la sheegay inuu kasoo jeedo dalka UK waxaana lagu magacaabaa Abuu Cabdulaahi Al Biritaani.

Shantan carruur ayaa ka soo kala jeeda dalalka Britain, Masar, Turkey, Tunisa iyo Uzbekistan, waxaana ay madaxa ka tooganayaan shanta nin ee maxbuuska ahaa, kuwaasoo xiran dharka maxaabiista ee hurdiga.

Sawirada cusub ee kooxda Daacish ay soo bandhigtay ayaa argagax cusub geliyay caalamka.

Daacish-1 Daacish-3 Daacish-4

maxaabis-togasho maxabis-togasho maxabis-togasho1

- Advertisement -

Read more

Local News