Xog: Puntland oo la wareegtay 7 baabuur Booliis oo usoo degay GalMudug

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa la wareegay todobo baabuur oo Ciidanka Booliska Galmudug u socday iyo baabuur nuuca aan xabadda karin ah kuwaas oo laga dejiyay Dekadda Boosaaso.

Baabuurtii Galmudug u socotay oo Calanka Somalia uu ku buufsanaa ayaa markii lala wareegay kadib waxa ay Puntland ku buufiyeen astaanta Ciidanka Booliiska Puntland, sidoo kalena waxay la wareegeen gaarigga nuuca aan xabadda karin oo Madaxweynaha Galmudug lahaa.

Baabuurta laga dhacay Galmudug oo laga raray Xamar ayaa lagu waday in lagu wareejiyo Ciidanka Booliiska Galmudug ee Koofurta Galkacyo.

Gawaarida oo laga keenay dekedda Boosaaso ayaa lagu qabtay lagulana wareegay magaalada Garoowe. Maamulka Galmudug kama hadlin weli baabuurta laga dhacay laakiin tilaabadaan ayaa ku beegan xilli maamulka Puntland uu shaaciyay ineysan Baabuurta ka timaada goboladda dhexe soo dhaafi karin Gaalkacyo.

Si kastaba, maadaama baabuurtan ahaayeen baabuur dekedda laga soo dejiyey, lama yaqaan sababta ay Puntland u leexsatay.

Arrintan ayaa dhaawici karta ganacsiga dekedda Boosaas kuna qasbi doontaa Galmudug inaysan waxba kala soo deign, taasi oo dhaawac dhaqaale gaarsiin doonta Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada Online