War farxad leh oo Ilhaan Cumar u yimid kadib arrintii laga faafiyey

Minneapolis (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha dowladd federaalka Mareykanka ee gobolka Minnesota, Andrew Luger ayaa warqad uu u diray Ilhaan Cumar waxa uu ku sheegay inuusan wax baaritaan ah ku sameeneyn eedeymo loo jeediyey.

Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah oo u sharraxan inay ka mid noqoto aqalka wakiilada gobolka Minnesota ayaa lagu eedeeyey inay guursatay walaalkeed, si ay u keento dalka Mareykanka.

Taleefishinka Fox 9 ee gobolka Minnesota ayaa dhowaan qoray in xeer ilaaliyaha uu waaxda socdaalka Mareykanka weydiistay in baaritaan lagu sameeyo arrinta Ilhaan.

Si kastaba warqadda uu u qoray Ilhaan, ayuu Lugar ku sheegay in arrintaas aysan jirin.

“Warbixinta lagu daabacay website-ka Fox 9 ee ku saabsan in xafiiskeyga uu dalbaday in la baaro Ilhaan waxba kama jiraan, xafiiskeygna ma baarayo Ilhaan” ayuu Lugar ku yiri warqadda oo afhayeenka Ilhaan uu soo bandhigay.

Arrintan ayaa Ilhaan u ah war wanaagsan, kana saaray walaac ku saabsanaa in haddii baaritaan lagu sameeyo ay taas dhaawici kartay fursaddeeda doorasho.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com