24.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 28, 2026

War farxad leh oo Ilhaan Cumar u yimid kadib arrintii laga faafiyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Minneapolis (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha dowladd federaalka Mareykanka ee gobolka Minnesota, Andrew Luger ayaa warqad uu u diray Ilhaan Cumar waxa uu ku sheegay inuusan wax baaritaan ah ku sameeneyn eedeymo loo jeediyey.

Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah oo u sharraxan inay ka mid noqoto aqalka wakiilada gobolka Minnesota ayaa lagu eedeeyey inay guursatay walaalkeed, si ay u keento dalka Mareykanka.

Taleefishinka Fox 9 ee gobolka Minnesota ayaa dhowaan qoray in xeer ilaaliyaha uu waaxda socdaalka Mareykanka weydiistay in baaritaan lagu sameeyo arrinta Ilhaan.

Si kastaba warqadda uu u qoray Ilhaan, ayuu Lugar ku sheegay in arrintaas aysan jirin.

“Warbixinta lagu daabacay website-ka Fox 9 ee ku saabsan in xafiiskeyga uu dalbaday in la baaro Ilhaan waxba kama jiraan, xafiiskeygna ma baarayo Ilhaan” ayuu Lugar ku yiri warqadda oo afhayeenka Ilhaan uu soo bandhigay.

Arrintan ayaa Ilhaan u ah war wanaagsan, kana saaray walaac ku saabsanaa in haddii baaritaan lagu sameeyo ay taas dhaawici kartay fursaddeeda doorasho.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60