Sawirro: Gaas oo ku howlan arrin halis ah oo ka dhana Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas oo kulamo kala duwan la qaatay Madaxda dalka Turkiga ayaa waxa ay kawada haleen arrimaha la xiriira Siyaasada, Dhismaha Ciidamada, Mashaariicda iyo Taabagalinta Horumarada ka socda deegaanada Puntland.

Mas’uuliyiinta uu C/wali Gaas la kulmay ayaa waxaa kamid ah Ra’isul wasaare ku-xigeenka dawladda Turkiga Versi Kaynak, Xildhibaan Kani Turum iyo Masuuliyiin kale oo ka kala tirsan Hay’adda u qaabilsan dalkaasi arrimaha Afrika iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalkaasi.

Madaxweyne Gaas, ayaa Ra’isul wasaare ku-xigeenka Turkiga Versi Kaynak, ka dalbaday in mashaariicda Turkiga uu ka wado magaalada Muqdisho qeybo kamid ah loosoo weeciyo magaalada Garoowe, si Puntland ay qeyb uga noqoto dhinacyada ka faa’iideysanaaya Mashaariicda.

Gaas waxa uu Mr Versi Kaynak u sheegay in deegaanada Puntland ay ka jirto amaan, balse ay u baahan yihiin keliya in dowlada Turkiga ay suuragaliso sara u qaadista ganacsiga iyo bilicda Puntland.

Waxa uu C/wali Gaas, sheegay in Puntland ay kasii baxeyso hoos u dhacyadii ka muuqday dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay, waxa uuna xusay in sara u qaadka Horumarka Puntland ay kaalin libaax ka qaadanayaan dowladu kale oo deegaanadooda kawada dhismooyin iyo Ganacsi.

Waxa uu sheegay in dowlada Turkiga ay sidoo kale uga baahan yihiin dhismaha Ciidamada, Nooleynta Ganasiga iyo dib u habeyn lagu sameeyo wadooyinka burbursan.

C/wali Gaas waxa uu ku celcelshay in Puntland ay u baahan tahay inay hesho kaalinteeda, waxa uuna dalbaday in deegaanada Puntland laga hirgaliyo Mashaariic lamid ah tan iminka Turkiga ay kawado magaalada Muqdisho.

Ra’isul wasaare ku-xigeenka Turkiga Versi Kaynak, ayaa Madaxweyne Gaas u ballanqaaday in il gaar ah ay ku eegi doonaan codsigooda, waxa uuna cadeeyay in ahmiyada dowlada Turkiga aysan ku ekeen keliya magaalada Muqdisho, balse ay isku mari doonaan dhammaan gobolada Somalia.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaare ku-xigeenka Turkiga Versi Kaynak, waxa uu amaanay amniga iyo xasiloonida iminka ka jirta deegaanada Puntland waxa uuna ka mahadceliyay sida ganbasho la’aanta ah ay Puntland uga hadashay masiirkeeda.
Gaas iyo Turkiga 2

Gaas iyo Turkiga 3

Gaas iyo Turkiga 4

Gaas iyo Turkiga

Xasan iyo Turkiga 5