Sidee loo xulayaa xildhibaanada labada gobol ee weli la isku hayo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee dalka Cumar Dhegey, ayaa shaaca ka qaaday in Guddiga uu isku mari doono dhammaan Gobolada dalka kuwooda lagu diyaarinaayo Xildhibaanada labada Aqal ee BFS.

Cumar Dhegey, ayaa sheegay in Guddiga ay ka go’an tahay raali galinta dhammaan dadka ku hoos nool maamulada dalka gaar ahaan kuwa sharciyeysan oo ay ka socto diyaarinta labada Aqal.

Waxa uu sheegay in inta badan dadku ay walaac gaar ah ka muujinayaan sida Guddiga Doorashooyinka u meelmarin lahaa xildhibaanada Baarlamaanka ka soo galaya Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo sidoo kale xildhibaanada Aqalka Sare hadii laga gaari waayo dhismaha loo sameynayo Labadaasi Gobol.

Cumar Dhagey waxa uu sheegay inay dhicikarto in doorashada ka hor lasoo gabagabeeyo dhismaha maamulka loo sameynaayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxa uuna sheegay in haddii ay suuragali weyso dhismaha maamulkaasi ay jiraan qorshooyin gaar ah oo ay ku imaan doonaan xildhibaanada Baarlamaanka iyo xildhibaanada Aqalka Sare ee ka soo jeeda Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Cumar Dhagey waxa uu carab dhabay in qorshaha u degsan uu yahay haddii ay dhacdo in la dhisi waayo maamulka loo sameeynaayo labada Gobol Hiiraan iyo Sh/Dhexe in Xildhibaanada labada Aqal ee ka imaandoona Maamuladaasi loo meelmarin doono ay ku imaan doonaan xubnaha ka imaanaya Deegaanada maamulka Soomaaliland.

Geesta kale, Cumar Dhagey ayaa sheegay in rajadooda ay tahay in doorashada ka hor lasoo gabagabeeyo dhismaha maamulka loo sameyn doono Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com