Sawirro: Ciidamadii uu Xasan Sheikh ka iibiyey Imaaraadka oo tababar loo xiray, una socda….

Muqdisho (Caasimada Online) – Dufcaddii seddexaad ciidamo loo tababaray in aay ka dagaalamaan dalka yemen ayaa maanta loo soo xiray tababarkoodi.

Ciidankan oo laga soo xulay gobolada Bay & Bakool, ayaa waxaa uu ka mid ahaa heshiisk Imaaraadka iyo Shariif Xasan aay kuwada galeen magaalada Abu Dhabi bishii Ogoosto ee sanadkii hore 2015.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa laba maalin ka hor lagu wareejiyay gawaari aay deeq u siiyeen Dalka Isu Tagga Imaaraadka oo qeyb ka ah heshiiskan.

Dufcadda koowaad iyo tan labaad ayaa waxaa lagu tababaray magaalada Dammaam ee Gobolka Bari ee Boqortooyada Sacuudiga. Ciidankaas oo iyagana ahaa kuwo laga soo qoray gobolka Hiiraan iyo Jubbada Hoose.

Ciidankan oo tababarkooda iyo kharashaadka ku baxayo aay bixineyso dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa uu yahay ujeedka ugu weyn in aay la dagaalamaan kooxaha xuutiyiinta ah ee ka dagaalama dalka Yemen oo gacan ka haysta dalka IIRAAN.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay xafladda xirtaanka tababarka ayaa kula dar-daarmay dhallinyarada sida gaarka ah loo tababarey inay kasoo dhalaalaan kaalinta looga fadhiyo.

Munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa; Ra’iisul wasaare Sharma’arke, xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Xukuumadda FS, Madaxweynaha maamulka Koonfuur Galbeed Somalia, Shariif Xasan Sh. Aadan iyo mas’uuliyiin kale.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimadda@live.com

10 9 8 7 6 5 4 3 2 1