Sawiro: Dekadda Muqdisho oo xiran iyo Ganacsatada G/Banaadir oo Canshuur dheeraad ah lagu soo rogay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dekadda magaalada Muqdisho ayaan wax dhaq dhaqaaq ah ka jirin mudo isbuuc ah, kadib markii ganacsatada gobolka Banaadir ee dekadda wax kasoo degsata lagu soo rogay canshuur dheeraad ah.

Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya ayaa Canshuur dheeraad ah kusoo rogtay ganacsatada gobolka Banaadir, waxa ayna ganacsatada ka cabanayaan in aan si siman canshuurta looga qaadin dhamaan ganacsaada dalka.

Kulan maanta ku yeesheen Ganacsatada gobolka Banaadir ayey uga soo horjeesteen canshuurta dheeraadka ah ee lagu soo rogay ganacsatada gobolka oo kaliya, waxa ayna sheegeen in ay raali ka yihiin hadii guud ahaan ganacsatada si isku mid ah canshuurta loogu kordhiyo.

Ali Dhoore oo ku hadlayay magaca ganacsaada gobolka Banaadir ayaa sheegay in ganacsatada aysan waxba kala soo degin Dekadda Muqdisho mudo isbuuc ah, waxa uuna xusay in ganacsatada aysa raali ka aheyn canshuur kordhinta.

Ganacsatada maanta kulanka yeeshay ayaa ugu baaqday Madaxda ugu sareysa dowlada Federaalka  Soomaaliya in ay soo faro galiyaan canshuur kordhinta lagu sameeyay ganacsatada gobolka Banaadir.

Halkan ka Akhriso War Saxaafadeedka kasoo baxay Ganacsatada Gobolka Banaadir

JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Taariikh: 11/02/2018

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ku: Ra’isul-Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ku: Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Og: Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Og: Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya.

Og: Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga G/Banaadir.

 Ujeeddo: Warsaxaafadeed ka soo baxay Ganacsatada G/Banaadir.

Annaga oo ah Ganacsatada Gobolka Banaadir  waxaan Cabasho ka qabnaa Canshuuraha  xad dhaafka ah ee sida gaarka ah dusha looga saaray Ganacsatada Gobolka Banaadir taas oo sababtay in ganacsatadu ay ku khasaaraan Badeecooyinka ay ka soo dejiyeen Dekeda Muqdisho..

Asbaabta Cabashadeena oo faah faahsan.

  • Dekeda Muqdisho waxa ay ka qarash iyo Canshuur badan tahay Dekedaha kale ee ka jira Soomaaliya inteeda kale taas oo sababtay in Ganacsatada Muqdisho ay ku khasaaraan Badeecada ay ka soo dejiyaan Deskeda Muqdisho maadaama ayna la tartami karin Badeecadaha kale laga soo dejiyo Dekedaha kale wadanka oo laga qaado Canshuur ka yar tan laga qaado Ganacsatada Muqdisho.
  • Waxaan xusuusineynaa madaxda Dowlada in Ganacsatada Gobolka Banaadir ay tahay  ganacsatada ugu Canshuur bixin badan Dalka Soomaaliya oo dhan ayna si gaar ah isga xilsaareen dhismaha Wadooyinka Muqdisho iyo arimaha la xariira gurmadka iyo taakuleynta dadka nugul ee dhibaatadu ka soo gaartay Abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee wadanka kajira.
  • Waxaan ka codsaneynaa wasaaradda maaliyadda in canshuuraha xad dhaafka ee sida gaarka dusha looga saaray ganacsatada Gobolka Banaadir ay dib u eegis ku sameeyso maadaama ay shirkada waaweyn oo ganacsi ay kaceen ayada oo ay isku biirsatay Duruufaha dhaqaala xumada ee wadanka kajira iyo canshuuraha xad dhaafka ee Dekeda Muqdisho looga qaado iyo Canshuuraadka kale ee hada dusha laga saaray ganacsatada Muqdisho.
  • Waxaan ugu baaqeynaa wasaaradda maaliyada in ay si ku mid ah oo loo wada siman yahay uga qaado Canshuuraha dhamaan ganacsatada Soomaaliyeed lagana daayo Ganacsatada Gobolka Banaadir Culeyska Canshuureed ee sida gaarka ah loogu haayo.
  • Ugu dabeyntii waxaan ka codsaneynaa Madaxda Dalka oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, in ay soo faragiliyaan arintaan waxna laga qabto dhibaatada haysatada Ganacsatada Gobolka Banaadir.

Waxaan rajeynaa in aad naga aqbali doontaan codsigeynga ,waxna ka qaban doontaan dhibaatada haysata Ganacsatada Gobolka Banaadir.

WABILAAHI — TOWFIIQ

MAHADSANIDIIN.