Sawiro: Muxuu ahaa ujeedka uu Farmaajo u booqday Dakadda Muqdisho?

Muqdisho (Caasimadda Online) –

Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kormeeray goobaha lagu keydiyo raashinka ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa kormeer ku sameeyey baqaarada lagu keydiyo raashinka ciidamada dowladda, isagoo dhinaca kalena hubiyey tayada raashinkaasi.

Wuxuu Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo hubinayey in ciidamada dowladda ay helaan ama lasiiyo raashinka ay xaqa u leeyihiin.

Madaxweyne Farmajo ayaa ka hor inta aan la dooran iyo doorashadiisii kadib si aad ah uga hadlay muhiimadda ciidamada dowlada ay isiineyso dowladiisa cusub .

Xilliyada qaar waxa suuqyo madoow lagu iibiyaa raashin la sheegay inay yihiin garaamaadka ciidamada kuwaaas oo ay iibsadaan saraakiisha ciidamada taliyaasha u ah .

Waa markii ugu horeeysay oo uu madaxweyne Farmaajo sameeyo kormeer nuucaan ah, waxana ay dhiira galin u noqoneysa ciidamada dowlada oo ku shaqeeya xaalad adag iyo duruufo dhaqaalo xumo .

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET