Xog: Maxaa ka jira in Farmaajo uu Xaaf u diiday ka qeyb galka shirka London (Kadib maxaa dhacay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose ayaa sheegaya in Madxaweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu kulan la qaatay Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Kulanka labada mas’uul ayaa yimid kadib markii Hogaamiyaha Galmudug Xaaf uu Madaxweynaha ka dalbaday inuu siiyo warqadaha Casuumaada shirka London, hase yeeshee waxaa la sheegay in Madaxweynaha uu ka biya diiday in Xaaf uu ka qeybgalo shirka London.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha uu Xaaf ku wargaliyay in Shirka London uu ka qeybgali doono Hogaamiye ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay, iyadoo sababta lagu sheegay in Xaaf uusan ka qeybgali karin shirka London iyadoo aan dhicin caleemasaarka, sida aan xogta ku helnay.

Madaxweynaha waxa uu tilmaamay in Casuumaada loo qorsheeyay Maxamed Xaashi Cabdi Carabay, waxaana ka biya diiday Hogaamiye Xaaf oo durba ku dhiiraday inuu la kulmo Safiirka Britain ee Somalia David Concar.

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in Safiir David Concar uu Hogaamiyaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, siiyay warqadaha casuumaada ee uu kaga qeybgali lahaa shirka London.

Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa u muuqda in durba uu ka talaabay amarka Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ee ahaa inuu ka qeybgalo shirka London.

DFS ayaa durba la kulmeysa caqabado kaga imaanaya dhanka maamulka Galmudug iyo maamulada kale sida HirShabelle oo uu khilaaf kala dhexeeyo DFS.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET